Muuqaal Cajiib Ah: Ha Igu Soo Dag-Dagin, Daawo Daafaca Liverpool Ee Virgil Van Dijk Oo Si La Yaab Leh Kubada Uga Dilay Da,yarka Laga Yaaban Yahay Ee Kylain Mbappe

Kylain Mbappe ayaa shaki la,aan haatan ah da,yarka ugu fiican adduunka oo dhan marka loo eego tayadiisa iyo qaab ciyaareedkiisa waliba sida uu xiddigaha daafaca u dhibo.

Da,yarkan ayaa isku tijaabiyay daafaca birta ah ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk oo laftiisu ku jira qaab ciyaareed fiican kulankii UEFA National League ee dhex maray xulalka France iyo Holland.

Laakiin Daafaca Jooga dheer leh ayaa si la yaab leh da,yarka uga reebay kubada isaga oo u dhigay taako ay si weyn ula dheceen taageerayaasha Kooxda Liverpool.

Labadan xiddig ayaa mar kale iska hor iman doona todobaadkan marka ay Liverpool marti galin doonto kooxda PSG kulan ka tirsan champions League Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan