Muuqaal: Aniga Laadaya, Mayee Aniga Laadaya: Daawo Varuis-kii Neymar & Cavani Oo Ku Faafaya Kubada Cagta Xilli Pogba & Sanchez Noqdeen Labadii Xiddig Ee Ugu Dambeeyay Ee Rikoodhe Isku Qabsada

Xiddigaha kooxda PSG ee Neymar & Cavani ayaa Varuis xun ku abuuray xiddigaha kubada cagta kadib markii ay xilli ciyaareedkii hore isku qabsadeen rikoodhe loodhigay kooxda PSG.

Xiddigaha Kooxda Man United ee Paul Pogba iyo Alexis Sanchez ayaa noqday xiddigihii ugu dambeeyay ee uu Varuis-kaas sameeyo.

United ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee xalay loo dhigay rikoodhe waxana kubada qaatay Pogba oo xidhnaa calaamada kabtanimada laakiin Sanchez ayaa kula dhagay ka hor inta uuna Pogba si xirfadaysan Sanchez ugu qancin in uu isagu laagto Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan

2 Comments

Comments are closed.