MUSIIBO: Arsenal Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay In Jack Wilshere Uu lugta Ka JABAY, Waqtiga Uu Soo Laaban Karo Iyo Xaalada Xidiga Ree England Oo Sii Xumaatay.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Apr 19, 2017

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay in xidiga kooxdeeda amaahda kaga maqan ee Jack Wilshere uu lugta ka jawabay kadib dhaawicii ku soo gaadhay kulankii White Hart Lane ee ay Bournemouth guuldarada kala kulantay Tottenham. Jack Wilshere ayaa heshiis amaah ah kula jooga kooxda Bournemouth wuxuuna qaadanayay xili ciyaareed aad ufiican balse musiibo kale oo dhaawac ah ayaa ku habsatay iyada kooxdiisa Gunners hadda ku dhawaaqday in uu lugta ka jabay.

Qoraal rasmi ah oo Arsenal ka soo baxay ayaa lagu yidhi: ” Waxaanu cadayn karnaa in Jack Wilshere uu soo gaadhay jabniin lugta bidix ahi. Xidiga khakda dhexe kaas oo amaah hal xili ciyaareed ah ku jooga AFC Bournemouth ayuu dhaawac soo gaadhay intii lagu jiray kulankii Cherries ay sabtidii Premier leaque-ga  la ciyaartay Tottenham”.

Qoraalka Arsenal ayaa la sii raaciyay: ‘ Baadhitaankii kadib kulanku waxa uu ahaa mid cad, laakiin baadhitaano dheeraad ah ayaa muujiyay jabniinka. Jack waxa uu mari doonaa qiimaynta khaas ah maalmaha soo socda  si waxyaabo gaar ah looga ogaado dhawaca  isla markaana loo qaabeeyo ka soo kabsashadiisa. Waxaa la rajaynayaa in Jack uu diyaar u noqdo bilawga xili ciyaareedka soo socda. Qof kasta oo kooxda ku sugani waxa uu Jack u rajaynayaa ka soo kabsasho deg deg ah”.

Sida ay Arsenal sheegtay Wilshere ayaan markale xili ciyaareedkan garoomada ku soo laaban doonin waxaana la filayaa in uu horaanta xili ciyaareedka cusub soo laaban karo. Dhaawacan ayaa la mid ah isla dhaawicii uu Jack Wilshere ku seegay inta ugu badan xili ciyaareedkii hore. Arsenal ayaan wali xalin heshiis kordhinta Wishere wuxuuna ka mid yahay xidigaha Gunners sida xorta ah kaga bixi kara haddii ayna heshiisyo cusub saxiixin.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments