Muhiimadda Ciyaartoyda, Dardaarankiisa Kulanka Malaga & Wax Walba Oo Uu Zidane Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa’id Ee Ka Hor Kulanka Malaga.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Real Madrid ayaa si jir iyo maskax ahaaneedba ugu diyaarsan cadaadiska kulanka ugu dambeeya horyaalka La Liga ololaha 2016/2017 sida uu ka dhawaajiyay tababaraheeda reer France Zinedine Zidane.

Waxey wajahi doonaan Malaga kulanka Axadda waxeyna u baahan yahiin iney ka badbaadaan guuldaro si ay ugu dabaal dagaan La Rosaleda.

Inkastoo cadaadis badan uu saaran yahay hadana macalinka reer France ayaa aaminsan in waqtiga ugu dambeeya ay soo afjari doonaan wiilashiisa wax walba.

“Hormarkeena gacmaha ayaan ku heysanaa, kaas oo muhiim ah, waan ognahay waxaan u jirnaa kaliya hal kulan” ayuu yiri Zidane oo la hadlayay warbaahinta.

“Waxaan u shaqeyneynaa si wanaagsan, qof walba wuxuu dareemayaa fiyoobi, waxaana u dhaqaaqeynaa inaan sameyno waxa noogu wanaagsan si aan u guuleysano kulanka”

“Wax iska keen badalay ma jiraan iyo fikradda aan halkaas ku aadeyno si aan 100% diirada u saarno, sidii aan mar walba sameyn jirnay sababtoo ah waa muhiimadda kooxda”

“Waxaan ku adkeynayaa ciyaartoyda iney ku fakaraan ineysan waxba ku guuleysan isla markaana hal kulan uu naga xigo, sidaas darteed dhamaanteen waxaan diirada saareynaa sidii aan ku qaban laheyn shaqo wanaagsan si aan u guuleysano”

“Wey adaga tahay inaad ku guuleysato horyaalka, waa mid aad u adag, waxaa jira 38-kulan mana jiro mid fudud” Ayuu yiri Zidane.

“Waa inaad soo bandhigtaa maalin walba inaad u baahan tahay inaad ku guuleysato horyaalkaas, waxaan u shaqeynay si adag, waan u qalanay inaan joogno booska aan hadda ku suganahay”

“Waqti xaadirkaan waxaa nahay kuwa ugu horeeya, waxaan dooneynaa inaan halkaas sii joogno, kulankeena xiga waa kan noogu adag”

“Waxaa jira culeyso aan kala kulanay Sevilla iyo Celta Vigo balse waan gaarnay hamigeena markii aan xooga saarnay”

Ugu dambeyntiina Zidane ayaa bogaadiyay ciyaartoyda, shaqaalaha tababarka iyo sidoo kale dhamaan qof walba oo qeyb ka qaadatay hanaanka kooxda.

“Arrinka ugu muhiimsan waa in dhamaan ciyaartoyda ay ka qeyb qaateen, sidii aan horay u sheegay laga soo bilaabo maalintii koowaad, kooxda waxey aheyd mid cajiib ah, waxaana doonayaa inuu qof walba dareemo inuu yahay muhiim”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments