Mourinho Oo Qirtay Inuu Qolka Labiska Ku Canaantay Xiddigaha Man United Waqtigii Nasashada Inkastoo Ay 2-0 Hogaanka Ku Hayeen – Maxaa U Sabab Ahaa?

Jose Mourinho ayaa canaantay xiddigaha Manchester United ka dib markii xiddigihiisa ay dhaliyeen labo gool islamarkaana ay bilaabeen inay cadaadiska ka dabciyaan Watford.

Kaliya badbaadin fantastik ah uu sameeyay David de Gea waqtigii dhimashada ciyaarta ayaa United u badbaadisay guusheedii labaad ee isku xigta ee iyagoo marti ah ka dib markii qeybtii hore ay hogaanka ku qabteen goolal ay kala dhaliyeen Romelu Lukaku iyo Chris Smalling.

United ayaana ahaa kuwa is dhigtay ka dib markii ay hogaanka labo gool ku qabteen iyadoo Mourinho uu yiri: “Waan ku faraxsanahay dhibcaha, waan ku faraxsanahay isbiiritka aan ku ciyaarnay. Laakiin waxaan sidoo kale dareemayaa jahwareer sababtoo ah wax walba anaga gacanteena ayay ku jireen qeybtii koowaad.

“Waxaan ogolaanay inaan hoos u dhigno xamaasada ciyaarta, waxaana joojinay cadaadiskii weerar. Waxaan siinay fursad ay dib ugu soo dhashaan, waxay dhaliyeen gool, waxayna ciyaarta inooga dhigeen mid adag.

“Waxaan u ciyaaray ciyaarta waqtigii nasashada in ciyaartaan ay inoo noqon karto mid aan ku badin karno afar ama shan iyo eber ama inaan dhibaato rasmi ah geli doono – mararka qaar waxaa fiican inaan kaamiro ku heysano qolka labiska, wixii aan dhahay ayaana dhacay.

“Qeybtii labaad waxaan hoos u dhignay xamaasada ciyaareena, Watford iyaguna waa koox fiican. Waa ay yaaqanaan sida dhibaatooyin loogu abuuro kooxaha sarsarre.”