Mourinho Oo Digniin U Diray Ciyaartoyda Kooxdiisa Man United Isaga Oo Sheegay In aanu Jirin Ciyaartoy Lama Taabtan Ahi

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ciyaarta kooxdiisa u soo jeediyay digniin culus oo ah in aanu jirin ciyaartoy haddii uu si fiican u ciyaari waayo shaxdiisa ka sii mid ahaan doona oo lama taabtaan ihi. Jose Mourinho ayaa Wayne Rooney kursiga kaydka dhigay kulamadii ugu danbeeyay, wuxuuna aaminsan yahay in Zlatan Ibrahimovic iyo Paul Pogba ay kaydka gali doonaan haddii ay si fiican u shaqayn waayaan.

mourinho

Macalinka ree Portugal ayaa warkan sheegay ka hor kulanka ay Manchester United soo dhawayn doonto kooxda ree Turkey ee Fenerbahce ee kulanka saddexaad ee Europa Leaque-ga heerkiisa Groupyada. Paul Pogba iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa ku fashilmay kulankii Liverpool wuxuuna Mourinho si cad u sheegay in waxa ugu muhiimsani ay tahay kooxdiisa iyo sharafteeda.

Pogba has had a difficult start to his second spell at Old Trafford following his record move

Mourinho ayaa sanadkii 2006 kii ciyaartoydiisii kooxda Chelsea ku tilmaamay kuwo lama taabtaan ah waxaana hadalkiisii markaas ka mid ahaa: ” Claude Makelele, Michael Essien iyo Frank Lampard waa lama taabtaan, sababtoo ah qaabka ay u ciyaarayaan, ma aha sababtu in aan iyaga jecelahay. Michael Ballack waa lama taabtaan sabbatoo ah sida uu ciyaarayo, John Terry waa lama taabtaan, Ricardo Carvalho, Ashley Cole iyo Didier Drogba dhamaantood waa lama taabtaan”.

Laakiin markii Mourinho shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Fenerbahce ee Europa Leaque-ga lagu waydiiyay in Xidigaha muhiimka ah ee Man United ay lama taabtaan yihiin ayuu ku jawaabay: “Taasi waxay ahayd 11 sanadood ka hor, waxayna ahayd Premier Leaque ka duwan iyo xaalad ka duwan, kooxda in badan ugu fiican ayay ahayd taasi waxay ahayd sheeko ka duwan”.

Ibrahimovic, in training today, has also struggled for the Red Devils recently

Mourinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Ma jiro lama taabtaan. Waxa lama taabtaan ah kooxdadayadu in ay haysto ibiritkii iyo ka go’naanshihii. Huritaanka kooxda iyo sharafteeda iyo in jamaahiirta la tixgaliyo, taas ayay tahay in ay lama taabtaan noqoto ma aha ciyaartoyda”.

 

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. lingard 20-10-2016 at 10:29 am - Reply

    wakhtigaaba labtabtan waxa aha cr7 gigis scoles vidc ferdind

  2. v.moses 20-10-2016 at 10:19 am - Reply

    Hhhhhh macnaha qofkii fahmay ayaa fahmay lama tabtan raga lagu tilmayay mid ka akdhaw xita m.u majoogo marka macalinka runta ayuu ka hdlay

Leave A Response