Mourinho Oo Caano Iyo Biyo Lagu Shubay Ka Dib Markii Ay Qolka Labiska Isku Dagaaleen Goolhayaha Man City Ederson & Sababta Dagaalka Ka Danbeysay Oo La Ogaaday

by Saed Balaleti | Monday, Dec 11, 2017

Jose Mourinho iyo goolhayaha Manchester City Ederson ayaa dagaal uu ku dhexmaray qolka labiska ka dib markii ay Manchester United guuldarro ka soo gaartay kulankii Manchester Derby.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Mirror tababaraha Man United ayaa la sheegay in caano iyo biyo lagu shubay iyadoo xaalada ay cirka isku shareertay ka dib markii ay kooxdiisa guuldarro 2-1 ku soo gaartay Old Trafford, laakiin arintaan waxaa beeniyay madaxda kooxda City.

Ilo ku sugnaa gudaha garoonka ayaa sheegay in Mourinho uu tagay albaabka qolka labiska ee kooxda martida aheyd isagoo weydiistay ciyaartodya City inay hoos u dhigaan dabaaldegooda oo aad u sawaxan badnaa.

Goolhayaha Man City ee reer Brazil Ederson iyo Mourinho ayaa ka dib la sheegay inay isku qeyliyeen iyagoo ku hadlaya luqadooda Portuquese-ka ka hor inta aan xaalada la dejinin.

Isha warkaan laga soo xigtay oo goob joog u aheyd dhacdadaan ayaa sheegtay inay jirtay isku qeylin badan iyadoo dad badan ay durbadiiba ku soo xoomeen albaabka qolka labiska ee Manchester City, waxaana dagaalka ka qeyb galay shaqaalaha labada kooxood.

Weeraryahanka Man United Romelu Lukaku ayaa isna la sheegay inuu qeyb ka ahaa dhacdadaan si la mid ah tababaraha goolhayaha United Silvino Louro.

Ilaa iyo 20 ruux ayaa ka qeyb qaatay isjiidjiidka ka dhacay afaafka hore ee qolka labiska kooxda martida aheyd.

Ilo ka tirsan Manchester City ayaa iyagana xaqiijiyay in Mikel Arteta oo ka mid ah shaqaalaha tababarka Guardiola inuu dhaawac ka soo gaaray isha dusheeda.

Sarkaal boliis ah ayaa inta badan la geeyaa banaanka qolalka labiska maalmaha ay ciyaaraha jiraan, waxaana la fahamsan yahay in boliiska iyo ilaalada kale garoonka inay ku guuleysteen inay kala qabtaan raga colaada ay ka dhaxeysay.

Dagaalkaan waxa uu u egyahay kii Old Trafford ka dhacay sannadkii 2004 markaasoo tababare Sir Alex Ferguson lagu soo tuuray Pizza ka dib markii ay United 2-0 kaga badisay Arsenal taasoo soo gabagabeysay rikoorkii guuldarro la’aanta Gunners ee 49 kulan.

9 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. pasher carroll 11-12-2017 at 9:24 pm -

    la kulankani waxuu ahaa mid shil ah lkn kulan kle hadhay waa inaa hoyga city san u caano maalno layaabi doonaaa city

  2. cabdalla maxamed 11-12-2017 at 12:53 pm -

    jose ma aheyn inuu dagaal sameeyo marba hadii laga badiyay taasna waxaa loo arkaa inuu ka xun yahay guul darada soo gaartay

  3. Nuurudiin 11-12-2017 at 11:30 am -

    Man city waa koox messi sheegay in ay reebi karto barcelona waa nay uqalantaa horyaalka primary league si cad

  4. cabdiraxman beena beene 11-12-2017 at 10:49 am -

    Wn ka xumahay guul darada man united lkn
    ma ahayn in dagaal lagalo maxaa yeelay
    kooxda ayadaa martida waa in la xaqdhowro

  5. Masago 11-12-2017 at 10:11 am -

    Eeda waxaw saaraa garsooraha walayga raayay maba yaqaano ilaaheey amarkiis

  6. Maslah 11-12-2017 at 9:45 am -

    Morino waa nin tabar kale waayey Marka lama yaabayo waa naf la caar

  7. Maxamed 11-12-2017 at 9:40 am -

    Jose Waa xayawaan isuyaqaana waxaanu ahayn league gana waxa uu Ku dhamaysanayaa 3aad

  8. Mohammad Ibrahim 11-12-2017 at 9:01 am -

    Jose xitaa ma yaqaano ixtiraamka martida Waa doqon

  9. Hero moha 11-12-2017 at 8:20 am -

    Jose waa dabecadiisa marka laga badiyo in uu ciyaartoyda Ku xanaaqo hhhhhhhhhhhhhhh