Mourinho Oo Amaan Xoogan Kala Dul Dhacay Mohamed Salah Kahor Kulanka Xiisaha Badan EeLiverpool Iyo Man United.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 11, 2017

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa si xoogan u amaanay xiddiga ree Egypt iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah, kahor kulanka xiisaha badan ay maalinka sabtida kuwada ciyaaro doonaan kooxaha Manchester United iyo Liverpool garoonka Anfield.

Jose Mourinho ayaa wuxuu u sheegay wargeyska ree England ee Daily Express isaga ka hadlayay qaab ciyaareedka wanaagsan ee Mohamed Salah: “Anigu maahi mid layaaban bandhiga cajiibka ah ee Mohamed Salah, xili kastaa waxaan ahaa mid aaminsan qaab ciyaareedkiisa, sidaas darteed waxaan lasoo saxiixday xiligii aan ku sugnaa kooxda Chelsea”.

Macalinka ree Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “laakiin qibaradiisa horyaalka Serie A ayaa ka dhigtay mid kasii wanaagsan sidii hore, sidaas darteed waxay ahayd wax iska muuqda in bandhig wanaagsan uu ku sameenayo imaatankiisa horyaalka Premier League-ga iyo kooxda Liverpool”.

Laakiin Jose ayaa wuxu sidoo kale ka difaacay Salah in Chelsea uu kaga soo muuqday kulamo yar ayaa wuxuu yidhi: “laacib kasta wuxuu u baahan yahay waqti ku filan uu kaga sameyn karo kooxdiisa horumar wanaagsan, qaar kood waxay soo dhaweeyaan inay fadhiistaan kursiga keygka ilaa ay ka helayaan fursada ay kooxdooda kaga soo muuqan karaan, halka kuwa kalena ay door bidayaan inay ka dhaqaaqaan, taasina wax caadi ka ah kubada cagta”.

Si kastaba Mohamed Salah ayaa kooxdiisii hore ee Chelsea kaga soo biiray dhigeeda Basel bishii Janaayo ee 2014, kahor inta uusan kaga dhaqaaqin sanad heshiis amah ah kooxda Fiorentina, iyadoo uu markale kaga dhaqaaqay Roma, balse uu ugu dambeyn Liverpool ku yimid heshiis ku kacay aduun dhan 42 million euros.

Mohamed Salah oo haatan ku gudi jira waayihiisii ugu wacnaa kubada cagta ayaa wuxuu dalkiisa Egypt u suuragaliyay inay ka qeyb galaan koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia, kadib markii ay mudo dhan 28 sano ay ka maqnaayeen ka qeyb galkiisa.