Mohamed Salah Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabay Xidhiidhka Uu La Leeyahay Sadio Mane & Roberto Firmino- Miyuu Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Mane?

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si waali ah uga falcelisay kadib markii ay kulankii Tottenham arkeen Sadio Mane iy Mohamed Salah oo qaladaad badan oo kubbad bixinta iyo go’an gaadhista ah sameeyay waxaana loo fahmay in uu jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyay labada xidig ee Liverpool ugu saamaynta badan.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa cadho wayn kula dhacay Sadio Mane waxayna ku eedeeyeen in uu kulankii Tottenham noqday kali ciyaar danayste ah laakiin sidoo kale Mohamed Salah ayaa qalad ku lahaa in aanu Sadio Mane siin kubbad fiican oo uu u abuuri karayay.

Halyayo hore oo kooxda Liverpool soo maray oo uu ka mid yahay John Aldridge ayaa cadho xoogan ka muujiyay hab dhaqankii Sadio Mane iyo Mohamed Salah ee kulankii Tottenham inkasta oo xataa ay Reds soo gaadhay guul muhiim ah, haddana waxa jiray kubbado aan la rumaysan karin oo booskooda la qalday.

Waxaa jira muuqaal laga diyaariyay qaladaadkii kubbad bixineed ee Sadio Mane iyo Mohamed Salah ee kulankii Tottenham ee keentay in loo fahmay in khilaaf uu dhexdooda ka jiray iyada oo Jurgen Klopp uu si cadho leh uga fal celiyay markii uuu adkaysan waayay qaladaadka u muuqday midka badheedhka ah.

Haddaba Mohamed Salah ayaa markii ugu horaysay la waydiiyay haddii uu khilaaf u dhexeeyo isaga iyo Sadio Mane wuxuuna sheegay in ay saaxiibo dhaw yihiin isaga, Sadio Mane iyo Roberto Firmino wuxuuna shaaca ka qaaday waxa ay sameeyaan marka ay ciyaartu soo dhamaato.

Mohamed Salah ayaa cadeeyay in waqti badan ay wada hadlaan Sadio Mane iyo Firmino isla markaana ay isku goob saddexdoodu ka fadhiistaan qolka labiska marka ay ciyaartu soo dhamaato si ay waxyaabaha ciyaarta ka soo dhacay uga wada hadlaan.

Waraysi uu siiyay Mohamed Salah majalada caanka ah ee France Football ayaa lagu waydiiyay haddii uu khilaaf kala dhexeeyo Mane wuxuuna ku jawaabay: “Anagu saaxiibo ayaanu nahay, in badan ayaanu wada hadalnaa. Guud ahaan, dhamaan saddexdayadu meel ayaanu qolka labiska ka wada fadhiisanaa ee isla marka ay ciyaartu soo dhamaato”.

Mohamed Salah ayaa si buuxda meesha uga saaray in wax khilaaf ahi uu ka dhexeeyo Sadio Mane wuxuuna isaga oo jawaabtiisa sii wata yidhi: “Anaga waxaa noo dhaxaysa midnimo xaqiiq ah, maadaama oo aanan danayn ka goolka ugu horeeya dhaliya ama goolasha ugu badan dhaliya”.

Hadalka Mohamed Salah ayaa ku soo beegmaya waqti ay jamaahiirta kooxda LIverpool isku diyaarinayaan kulanka adag ee ay kooxdoodu heen danbe la ciyaari doonto PSG iyada oo waliba Salah iyo Mane yihiin labada xidig ee ay shaqada ugu badan ka sugayaan maadaama oo uu Firmino wali xaalkiisa mugdi ku jiro.