Mohamed Salah Oo Kusoo Wajahan England Si Uu Maanta Caafimadka Ugu Maro Liverpool – Yaa Xaqiijiyay Duulimaadkiisa?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Diyaaradda laga leeyahay dalka Masar ee EGYPTAIR ayaa bartooda twitter-ka ku xaqiijisay in Mohamed Salah uu maanta ku safrayo diyaaradooda walow aysan si rasmi ah u sheegin halka uu ku wajahan yahay balse goor dambe ayey ka tireen.

Garabka Roma waxaa si ba’an loola xiriirinayay mudooyinkii ugu dambeeyay Liverpool, waxaana lagu soo waramayaa inuu maanta imaanayo Liverpool si uu caafimadka ugu maro isla markaana uu dhameystiro ku biiritaankiisa Reds.

Salah wuxuu ku sugnaa maalmahii ugu dambeeyay dalkiisa Masar, balse maanta ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto dalka Ingiriiska.

Ciyaariyahankii hore Chelsea & Fiorentina ayaa laga yaabaa inuu ugu biiro Reds aduun dhan 35 Malyan oo Pound, walow aan la ogeyn in lacagahaas ay labada kooxood si rasmi ah ugu heshiiyeen.

SunSport ayaa qoreysa in Mohamed Salah uu goor hore la kulmay Jurgen Klopp isla markaana uu ogolaaday inuu ku biiro Liverpool iyadoo xidigaan uu doorbidayo inuu kasoo muuqdo Champions League.

19-gool ayuu Roma u dhaliyay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay dhamaan tartamada oo dhan taasoo ka dhigan inuu waqti qurux badan ku qaatay caasimadda talyaaniga.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments