Mohamed Elnany Oo Xalay U Ciyaaray Kooxdiisa Isagoo Shuban Iyo Calool Xanuun La Dhibtoonayo

by Abdirahman Qoslaaye | Thursday, Dec 1, 2016

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in Mohamed Elneny uu badalay ka hor dhamaadka qeybtii koowaad ee ciyaartii ay guuldarada kala kulmeen tartanka EFL Cup kooxda Southampton maadaama uu xanuunsanaa.

Elneny ayaa la badalay waxaana booskiisa soo galay Granit Xhaka daqiiqadii 43 aad ee ciyaartii ay kooxdiisa ku ceebowday garoonkooda Emirates Stadium wuxuuna Wenger sheegay in xidiga heerka caalami ee xulka Masar uu naftiisa u huray kooxda inkastoo uu xanuunsanaa.

mohamed-elneny

“Wuu xanuunsanaa kulanka ka hor, wuxuu go’aansaday inuu ciyaari karay kulanka” ayuu yiri Wenger.

“Waxaan arki karay kadib 5 ama 10 daqiiqo markey socotay ciyaarta inuusan taam aheyn , ma uusan qabin dhaawac caadi ah ee wuu xanuunsanaa, waxaa ku dhacay shuban iyo calool xanuun”.

Arsenal ayaa macsalaameysay tartanka EFL Cup markii ay xalay ku hareen gurigooda waxayna kooxda Saints haatan la ciyaari doonta Liverpool oo ay ku booqan doonaan Anfield

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. suhayb 01-12-2016 at 8:51 pm - Reply

    shuban ha odhane mgca ka leh ku yara sheegde indr

Leave A Response