Miyuu Zlatan Ibrahimovic Kusoo Laabanayaa Qaranka Sweden Si Uu Koobka Aduunka Uga Soo Muuqdo? Janne Andersson Ayaa Jawaab Adag Ka Bixiyay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 14, 2017

Durba waxaa bilaabatay hadal heynta ah in Zlatan Ibrahimovic uu kusoo laabanayo xulka Sweden madama ay usoo baxeen koobka Aduunka ee sanadka 2018 lagu qaban doono wadanka qabow ee Russia, balse tababaraha qaranka Janne Andersson layaab ayey ku noqotay in lasoo hadal qaado xidiga Red Devils iyadoon la amaanin wiilasha geesiyaasha ah ee guusha soo hoyay.

Sweden waxey daaqada ka tuureen qaranka afarta jeer heysta koobka Aduunka ee talyaaniga, kadib markii ay barbaro gool la’aan ah kula galeen xalay garoonka San Siro, waxeyna taasi ka saaciday iney isku cel-celis ahaan 1-0 kaga soo baxaan.

Si kastaba, waxey aheyd markii ugu horeysay oo ay talyaanigu waayaan koobkaan tan iyo sanadkii 1958, balse waxaa durba la maqlayaa nux-nux ah inuu Ibrahimovic kusoo laabanayo qaranka madama uu isaga fariistay kadib fashilkii koobka Euro 2016.

“Waa wax aan caadi aheyn. Zlatan Ibrahimovic wuxuu joojiyay u ciyaarista talyaaniga hal sano iyo bar ka hor, walina isaga ayaan ka hadleynaa” ayuu yiri Janne Andersson oo kasoo muuqday shirka jaraa’id kadib farxadii San Siro.

“Waxaan u baahanahay inaan ka hadalno ciyaartoyda waaweyn ee haatan aan ku heysano kooxda waan aaminsanahay”

“Waxaan heysanay geesiyaal badan caawa, inyar ayaan dhaqaaqnay, balse waan ku faraxsanahay natiijada”

“Marka uu Ibrahimovic halkaan joogay, waxaan u ciyaari jirnay qaab ka duwan midkaan, inagoo taas tixgelineyna wuxuu go’aansaday inuu ka baxo qaranka, waa ciyaariyahan weyn oo guuleyste ah, balse waxaan u baahanahay inaan la qabsano isla markaana aan helno qaab kale”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments