Miyuu Pep Guardiola Xalay Daawaday Barcelona Oo Ku Hareysa Camp Nou? Halkee Ayuuse Waqtigiisa Ku Qaatay?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Tababare Pep Guardiola ayaa go’aansaday inuusan aadin gobolka Catalan si uu u daawado kooxdisii hore ee Barcelona oo xalay lagu reebay garoonka Camp Nou markii ay barbaro gool la’aan ah la galeen Juventus oo lugtii hore 3-0 kusoo xasuuqday kulankii Turin.

Pep oo hesytay waqti fasax ah oo uu ku aado Barcelona ayaan sidaas sameynin wuxuuna waqti ku qaatay maqaayadda caanka ah ee Tapeo and Wine oo uu leeyahay aabaha dhalay Juan Mata, sidoo kalana waa maqaayad ay aad u doorbidaan ciyaartoyda Man United iyo Man City.

Kadib waqtigii uu ku qaatay baarka aabaha Juan, wuxuu aaday Revolucion de Cuba halkas oo uu kula kulmay qaar ka mid ah shaqalaahiisa tababarka.

Pep Guardiola ayaan aadin kooxdiisii hore, sidoo kalana waxey aheyd fasaxii ugu dambeeyay oo uu heystay ka hor inta uusan wiilashiisa tababarka kula kulmin maanta ama berito [jimco] ah si ay isugu diyaariyaan kulanka adag ee Arsenal kana tirsan Semi finalka FA Cup.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments