Miyuu N’Golo Kante Taam Buuxa U Noqon Doonaa Kulanka Man United Ee Horaanta November?& Mudada Uu Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Oct 12, 2017

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa si daran uga walwalsan dhaawaca soo gaaray kubad burburiyahooda reer France N’Golo Kante kaas oo garoomada ka maqnaan kara muddo hal bil ah sida waarbixino hordhac ah ay sheegeen.

N’Golo Kante ayaa dhaawac muruqa bowdada ah uu kasoo gaaray kulan ay qarankiisa France guul ka gaareen Bulgaria ciyaar ka tirsaneed isreeb-reebka koobka Aduunka, waxeyna arintiisa u muuqataa inuu seegi doono garoomada laba ilaa sadex isbuuc.

Warbixinta hordhaca ah ee la helay waxey ka dhigan tahay inuu seegi doono labada kulan ee ay la ciyaari doonaan As Roma tartanka Champions League iyo sidoo kale afar kulan oo kale kuwaas oo ay kooxdiisa la ciyaari doonto Everton, Watford, Crystal Palace & Bournemouth.

Dhanka kale Alvaro Morata ayaa isna dhaawac dhanka muruqa ah uga baxay kulankii ay kooxdiisa guuldarada kala kulantay Manchester City dhamaadkii bishii lasoo dhaafay, waxeyna u badan tahay inuu seegi doono ciyaarta Crystal Palace.

Antonio Conte laba dhibaato ayaa lasoo daristay madama ay ka maqnaan doonaan dhawr kulan laba ka mid ah xidigahiisa ugu fiican ee dooqa koowaad.

Warka fiican oo ay heleen jamaahiirta Blues ayaa ah inuu taam buuxa u noqon karo N’Golo Kante kulanka ay Red Devils la ciyaari doonaan horaanta November.