Miyuu Cristiano Ronaldo Taam Buuxa U Noqon Karaa Final-ka Champions League? Si Dadban Ayuu Xiddiga Bartiisa Twitter-ka Uga Jawaabay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, May 16, 2018

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa bixiyay tilmaam yar oo ku saabsan taam ahaanshahiisa final-ka koobka horyaalada yurub markaas oo ay dabayaaqada May magaalada Kiev kula ciyaari doonaan Liverpool.

33-jirka reer Portugal ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa kulamada La Liga kadib markii uu dhaawac dhanka canqawga ah kasoo gaaray kulankii El Clasico ee ka dhacay garoonka Camp Nou.

Ronaldo kama qeyb galin kulankii ay kooxdiisa 6-0 kaga badisay Celta Vigo iyo kulankii ka horeeyay oo ay 3-2 kaga adkaadeen Sevilla, balse wuxuu rajeynayaa inuu taam buuxa u noqon doono dhacdada Kiev.

Kabtanka Portugal wuxuu bartiisa Twitter-ka kaga farxiyay jamaahiirta Los Blancos kuwaas oo ka walwalsanaa xaaladiisa, wuxuuna soo dhigay sawir isagoo tababarka ku jira kuna soo qoray “Calaamadda” ðŸ‘Œ oo ka dhigan inuu wanaagsan yahay.


Xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or waxaa dhaawacay Gerard Pique daqiiqadii 17-aad ee kulankii El Clasico xilli uu dhalinayay goolka koowaad ee ay kooxdiisa barbardhaca ku keensatay.

Sida ay kooxda sheegtay Ronaldo maalmahii ugu dambeeyay wuxuu si weyn tababarka ula qaadanayay kooxdiisa isagoo aan dareemin wax xanuun ah, walina wuxuu heystaa 10-maalmood oo uu ugu diyaar garoobo kulanka Kiev.

4 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Habane 16-05-2018 at 3:01 pm -

    Abti ree bajaqloona waxba ha qaylinina cr7 cid ku haysata male championka inshaalah isku xajiya abti

  2. Cabdikariim niic 16-05-2018 at 12:22 pm -

    Ronaldo is back
    king of champion league
    salah hadii uu ka hor yimaado ronaldo wuu og yhy inuusan waxba ka qaban Karin
    Zidane iyo xirtiisa waa kuwaan hayeey klop

  3. Kamil 16-05-2018 at 12:16 pm -

    Ama ronaldo ha dheelo ama ha maqnaado
    Liverpool shaqsi lama ciyareyse koox bey la ciyareysa waxana ku kalsonahay tagayada wilasha kloop wana ino keiv iyo 26ka

  4. Amein Ahmett 16-05-2018 at 11:24 am -

    Xqqdu waxay Tahay In ay Liverpool Berku Og ay Markay Arkeen Arinta So Labashada Ronaldo