DEG-DEG: Diyaaradii Waday Kooxda Reer Brazil Ee Chapecoense Oo Shil Ku Gashay Dalka Colombia

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Diyaaradii waday kooxda reer Brazil ee Chapecoense taasoo ka mid ah laba kooxood oo isugu soo haray finalka Copa Sudamericana ayaa shil ku gashay dalka Colombia habeenimadii Isniinta sida ay ku waramayaan warbaahinta Koonfurta America.

Warbixino ay baahiyeen Clara, Caracol iyo wargeysyo kale ayaa tibaaxaya in diyaaradda ay xaalad deg-deg ah kusoo wajahday waaxda Antioqueno ee dalka Colombia kadibna ay shilka gashay. waxaa jira dad ka badbaaday dhacdada sida ay ku warantay Clara, iyadoo gawaarida gar-gaarka deg-degga ah ay dhaawacyadii u daad gureeyeen Le Ceja Hospital waxyar kadib shilka.

diyaarad

Telemedellin ayaa sidoo kale ku warantay xilli dambe oo Isniintii ah in Sidoo kale isbitaalka San Vicente Hospital isna lagu daweynayo qeyb ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay Shilka, waxaana warar aan la hubin ay sheegayaan in 70-qofood in ka badan ay waday diyaaradda.

Ma jiraan wax dhimasho ah oo ka dhacay halkaas sida la xaqiijiyay, balse inta ugu badan rakaabka ay dhaawacyo soo gaareen sida laga soo xigtay warbaahinta.

Diyaaraddu waxey kasoo duushay Santa Cruz  (Bolivia), halkaas oo ay ku ciyaarayeen kulan ka tirsan horyaalka markaas oo ay wajaheen Palmeiras, taasoo guul ku xaqiijisay hanashada horyaalka Brazil.

Chapecoense ayaa iska xaadirisay finalka koobka Copa Sudamericana markii ay semi finalkii tartanka goolaasha lagu soo dhaliyo banaanka uga soo baxday kooxda reer Argentina ee San Lorenzo, waxaa lagu balansanaa in finalka lugtiisa h--e ay ka dhacdo magaalada Medellin ee dalka Colombia iyadoo wajaheysa kooxda Atletico Nacional maalinta arbacada ah.

Si rasmi ah looma oga waxa sababay shilka diyaaradda inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan, wararka qaar ayaa sheegaya in cimilada oo xun ay sababtay halka warar kalana ay qirayaan iney jireen dhibaato dhanka matoorka ah.

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. m haamud 29-11-2016 at 1:43 pm - Reply

    A plane carrying 81 people, including a top Brazilian football team, has crashed on its approach to the city of Medellin in Colombia.
    Police say five people survived the crash but the rest of those on board died.
    warkaa akhriya sxbyaal shan qof oo kali ah ayaa ka badbaaday intii kale yamuut way socdeen

  2. commentator:Hassan honest 29-11-2016 at 11:28 am - Reply

    waxa diyaaradu siday 81 qof 72 rakaaba iyo 9 shaqaale ah waxaana kabad baaday 6 qof oo ay ku jiraan saddex kamida ciyaartoyadi kooxda waxaana ku jira goolwadii iyo laba difaaca sadexda kalana waa shaqalihii diyaarada.

Leave A Response