Miyey Real Madrid Heshay Dalabyo Laga Soo Gudbiyay Cristiano, Morata & Rodriguez? Florentino Perez Ayaa Ka Jawaabaya.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Real Madrid ma helin dalab rasmi ah oo ku aadan ciyaartoyda dooneysa iney isaga tagaan Santiago Bernabeu Alvaro Morata & James Rodriguez sida uu ka dhawaajiyay madaxweynaha dib loo doortay ee Real Madrid Florentino Perez.

Manchester United ayaa la aaminsan yahay iney dooneyso saxiixa labadaan xidig, balse sida laga soo xigtay maamulka ugu sareeya kooxda taasoo ka dhigan in warbaahinta dunida ay buun-buuniyeen sheeko aan wal la iskula tagin.

Florentino Perez oo ka hadlayay dib u doorashadiisa ayaa soo hadal qaaday arimo badan oo la xiriira kooxda isagoo u waramayay Onda Cera wuxuu ka dhawaajiyay ineysan wali dalab rasmi ah ka helin koox ka dhisan yurub ee ku aadan James iyo Alvaro.

“Wax dalab rasmi ah ma aanan helin xagaagan ee ku aadan ciyaartoydeena” ayuu yiri Florentino Perez.

“Ma jirto koox dalab kasoo gudbisay Cristiano, Alvaro iyo James midkood”

Si kastaba sadexdaan xidig ayaa la filayaa iney isaga tagaan garoonka Santiago Bernabeu, walow aan la ogeyn sida ay Los Blancos ula tacaali doonto.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments