Miyay Xulalka Qaramada Colombia & Peru Ku Sii Heshiiyeen In Ay Barbaro Galaan, Sawiro Shaki Muujiyay Iyo Dalka Chile Oo Shaki Muujiyay.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 11, 2017

Xulalka qaramada Colombia iyo Peru ayaa xalay galay barbaro 1-1 ah taas oo labadan xul qaran ka caawisay in ayna wax dhibaato ah la kulmin ee rajadoodii koobka aduunka halka arintani ay keentay in Chile laga reebay koobka aduunka laakiin warar shaki abuuraya ayaa ka soo baxay dalka Chile kadib markii la arkay xidiga ree Colombia ee Radamel Falcao oo si gooni-gooni ah ula hadlaya ciyaartoyda xulka qaranka Peru.

Arinta shakiga ku abuurtay dalka Chile ayaa ah in barbarihii ay galeen Colombia iyo Peru ay ahayd natiijada kaliya ee suurtogal ka dhigaysay in Colombia iyo Peru ay koobka aduunka u soo wada bixi karaan, iyada oo barbaraha ay galeen uu suurtogal ka dhigay in Colombia ay si toos ah ugu soo baxday koobka aduunka halka Peru ay ku qanacsanayd in ay kaalinta shanaad ku galaan halka dhibic ee ay Colombia ka heleen si ay kulamada Play-offka ugu soo baxaan.

Sidoo kale waxaa shakigan sii adkeeyay markii la arkay ciyaartoyda xulka qaranka Peru oo aan dadaal badan ku bixinayn in ay Colombia ka guulaystaan taas oo Colombia tartankan ka reebi kartay isla markaana ay Peru si toos ah ugu soo bixi kartay ama uu xulka qaranka Chile fursad fiican heli lahaa.

Ilaa hadda ma jirto cadayn buuxda oo lagu go’aamin karo in la sii qorsheeyay natiijada kulankii Colombia iyo Peru laakiin sawirada Falcao uu isaga oo afka gacanta saaray la hadlayo ciyaartoyda Peru iyo dadaal yaradii ciyaartoyda xulka qaranka Peru ayaa shaki wayn abuurtay.

Xulka qaranka Chile ayaa gabi ahaanba laga cidhibtiray koobka aduunka kadib markii ay guuldaro 3-0 ah kala soo labateen Brazil waxaana qaramada South America ka soo baxay Brazil, Uruguay, Argentina iyo Colombia halka Peru ay soo galin doonaan kulamada Play-offka.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments