“Miyay Mane Iyo Salah Ku Dagaalameen Xerada Tababarka” Jamaahiirta Kooxda Liverpool Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay Hab Dhaqankii Sadio Mane Ee Kulankii Tottenham Iyo Inuu Kubadda Ka Xaasiday Mohamed Salah.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa qaab waali ah uga fal celiyay hab dhaqankii uu xiddiga ree Senegal ee Sadio Mane kusoo bandhigay kulankii galabta ee Tottenham iyaga oo si weyn ugu canaantay inuu kubadda ka xaasidayay Mohamed Salah.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa markale difaacatay rekoodhkeeda guulaha ee 100% ka ah kaddib markii ay guul 1-2 ah ka soo gaadheen Tottenham oo ay ku martiyeen Wembley Stadium, Walow ay kulankan guul soo gaadheen hadana jamaahiirta Reds ayaan ku qancin xidhiidhkii Sadio iyo Mohamed ee kulankan.

 

Jahaamhiirta qaar ayaaba muran weyn ka dhaliyay tababarkii ugu dambeeyay ee Reds iyaga oo sheegay in ay suurogal tahay inay labada xiddig kuwada dagaalameen xerada tababarka halka ay jamaahiir kale sheegeen in Mane uu ka cadhaysan yahay Salah sababtoo ah inuu kala wareegay hoggaamiyenimadii kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Haddaba, Waxaan halkan kusoo qaadan doonaa nuqulo kamid ah hadaladii ugu xiisaha badnaa ee laga soo xigtay qaabkii ay taageerayasha Liverpool uga falceliyeen xidhiidhkii xiddigahooda ee kulankan.

Taageeraha koowaad “Miyay Mane iyo Salah ku dagaalameen tababarka amaba wax kale, Waa markii afraad ilaa saddexaad ee Mane uusan u baasin isaga”

Taageeraha labaad “Mane, Waan ogahay in Salah xaday hilaacaagii (Hoggaamiyenimadadi) xilli ciyaareedkii hore laakiin ha noqon mid nasiib xun, Kubadda cagtu waa kubad kooxeed, U baas kubadda isaga”

Taageeraha saddexaad “Way iska cadahay in Mane uusan doonayn inuu kubadda u baaso Salah, Fursado la khasaariyay, Niyad jabka Salah wuu cadyahay, Kubad danaysi ah, Maaha mid la aqbali karo kubadda cagta heerkan ahi”

Taageeraha afraad “Haa, Ma jiraan wax ka qaldan Salah, Laakiin waan arki karnaa in Mane uusan u baasin kubadda Salah in ka badan saddex jeer isaga oo jooga boosas aad u fiican”

Taageeraha shanaad “Miyuu Mane necebyahay Salah mise wax kala jira? Haatan dhawr jeer ayuu diiday inuu u baaso Salah oo jooga boos ka fiican oo uu gool ku dhalin karo”

Jamaahiirta Liverpool ayaan kali ku ahayn fajaca ay ka qaadeen fursadihii muuqday ee uu Mane ka dhago adaygay inuu kubadda gaadhsiiyo Salah balse sidoo kale tababare Klopp ayay kaamerooyinku qabteen isaga oo qaab YAAB ah uga falcelinaya isla markaana garan la’ waxa ka qaldan xiddigihiisa.

7 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Aniga waxay ilatahay inanay isku faraxsanan Sidii sannadkii hore markaa waxay noqanaysaa in Midi keydka galo siiba mane ayaa ubahan waayo wixisu waa cadaan

  2. Waan daremi karna inay wax ka khaldanyihin saido mane ee waxan lenahy walaaltinimada ayaa ka qaalisan wax kasta ee ubaas walalka muslimka horaa looyidhi الحاسد لايفلح

  3. Mane hada asaga ayaa haasta goal Score marka hadana 10 ayaa loo xiray runta hadii laga hadlo sanadkan wax walba asaga ayaa isla rabo

  4. Waa kaxumahay in uu walaalkii muslim ka ah saa ula dhaqmo
    Football dhan ayaa ah pass la isa siiyo
    Waana rajena wax kabadalaaan qaabkaa
    Aniga ooo ah tagero man United

Comments are closed.