Miyay Man City Xidigeeda Sergio Aguero Ka Iibin Doontaa Chelsea? Wariyaha Sky Sports Ee Kaveh Solhekol Ayaa Ka Jawaabaya.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jul 17, 2017

Kooxda Chelsea ayaa si dhab u xiisaynaysa in ay Manchester City kala soo wareegto gool dhaliyaha ree Argentina ee Sergio Aguero wuxuuna qayb ka yahay afar gool dhaliya oo lagu soo qaaday liiska ciyaartoyda uu Antonio Conte ka doonayo Stamford Bridge xili ciyaareedka cusub. Pierre-Emerick Aubameyang.Alvaro Morata iyo  Andrea Belotti ayaa sidoo kale ka mid ahaa gool dhaliyaasha Blues lala xidhiidhinayay.

Laakiin wararku ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Chelsea ay isku sarre taagtay in ay Sergio Aguero kooxdeeda keensato balse waxay su’aashu tahay miyay Manchester City ogolaan doontaa in gool dhaliyaha kooxdeeda ee Aguero ay ka iibiso koox ay si toos ahu tartamayaan? Wariyaha Sky Sports ee Kaveh Solhekol ayaa sharaxaad ka bixiyay suurtogalnimada uu Aguero ugu biiri karo Chelsea.

Kaveh Solhekol ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Aguero uu Chelsea ku biiraa ay noqon doonto sheekoo aad u wayn, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay sida adag ee ay maamulka Blues u door bidayaan in Aguero uu ka soo dego Stamford Bridge.

Ugu horayn Kaveh Solhekol oo ka hadlyay Sky Sports News ayaa arinta Sergio Aguero iyo xiisaha wayn ee Chelsea ka yidhi: “Tani waa sheego wayn, wayn haddii ay dhacdo. Waxaa la noo sheegay in Chelsea ay si dhab ah oo xoogan u xiisaynayso saxiixa gool dhaliyaha Manchester City ee Sergio Aguero”.

Wariyaha Sky Sports ee Kaveh Solhekol ayaa sheegay in erayada adag ee uu isticmaalay yihiin kuwii loogu sheegay xiisaha Chelsea wuxuuna yidhi: “Kuwani waa erayada lanoo isticmaalay: “Xiiso dhab ah oo xoogan’. Dabcan Chelsea waxay ubaahan tahay badalka Deigo Costa kaas oo xagaaga la iibinayo”.

Kaveh Solhekol oo sharaxaad ka bixinaya bartilmaameedyada Chelsea iyo in jamaahiirta Blues lagu dajinayo ayaa yidhi: “Waxay fiirinayaan Alvaro Morata, Aubameyang, Belotti iyo si la sidoo kale Sergio Aguero, si kastaba ha ahaatee, kaliya waxay doonayaan in ay yara dajiyaan jamaahiirta Chelsea, anigu waxaan filayaa in aad iyo aad Chelsea ugu adkaan doonto in ay Manchester City ka hesho Sergio Sergio Aguero”.

Ugu danbayn Kaveh Solhekol ayaa tusaale u soo qaatay in maamulka Man City ayna tan iyo 2008 kii ciyaartoy muhiim ah ayna koox wayn ka iibin wuxuuna yidhi: “Anigu ma filaayo in tan iyo 2008 kii markii mulkiilaha cusub ee City uu yimid ayna marnaba iska iibin ciyaartoy ayna doonayn in ay iibiyaan, xogta aan hayaa waa in ayna doonayn in ay Sergio Aguero iska iibiyaan”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments