Miyaa Croatia Laga Saari Doonaa Koobka Adduunka Sida Ay Ku Fakareen Jamaahiirta England? Saddex Sabab Oo Ay La Yimaadeen & Sida Looga Qanciyay Oo Faah-Faahsan.

Xulka Croatia ayaa si isku xirnaan leh ugu soo gudbay final-ka koobka Adduunka kadib markii ay 2-1 ku dubteen qaranka England kulan la isla gaaray waqti dheeri ah, balse jamaahiirta saddexda libaax ayaa is tusay in qaranka Croatia ay mudan yahiin in laga saaro tartanka koobka Adduunka kadib qalaad ay tuhmeen.

England waa laga reebay tartanka waxeyna u dhinteen gool uu dhaliyay Mario Mandzukic, iyagoo wajahi doona France oo qudheeda daadka soo qaadsiisay xulkii aadka looga cabsida qabay ee Belgium kuwaas oo tarteenka tartanka goor hore kasoo tuuray Brazil.

Haddaba kulankii Semi Final-ka waxey jamaahiirta Ingiriiska soo calaameeyeen saddex qalad oo ay u arkeen in Croatia looga saari karo tartanka koobka Adduunka isla markaan wadankooda uu fursad ugu heli karo inuu ciyaaro finalka.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana saddexdii arrimood oo ay soo bandhigeen jawaab faah-faahsan laa siiyay, waxeyna noqotay caddeyn cad oo sugeysa in Croatia ay tartanka final-ka koobka Adduunka la ciyaari doonto France.

Sidoo kale dadka ku sugan Ingiriiska waxey kadib dhamaadka kulanka ka raadiyeen GOOGLE in Croatia laga saaray koobka Adduunka maadaama ay qaladaad badan is tuseen.

Haddaba shabakadda Football.London ayaa soo bandhigtay Saddexda arrimood oo ay tuhmeen jamaahiirta England iyo sababta ay qaladka ugu tahay iney iska dhaadhiciyeen.

Ante Rebic In La Siiyay Laba jaale, Balse aan Casaan La Siin?

Sidey ku fakareen Jamaahiirta:

Waxaa jirta jamaahiirta qaar oo ku wareeray kaarkii jaalaha ee la siiyay Ante Rebic qeybtii hore waqtiga dheeriga ah, dad badan waxey aaminsanaayeen in daqiiqadii 48-aad ee kulanka jaale horay loo siiyay.

Sida ku cadeed TV-yada baahiyay tartanka Ante Rebic ayey usoo qoreen kaarka jaalaha qeybtii labaad ee kulanka ka hor inta uusan kaar kale helin, inkastoo mar dambe ay saxeen.

Sida Looga Qanciyay?

Si kastaba, marka la fiiriyay VAR, garsoore Cakir wuxuu kaarka jaalaha ee markii hore loo soo qoray Rebic siiyay Mandzukic kaas oo kubad qalad loo dhigay England banaanka u tuuray.

Sidaas darteed Rebic laba jaale lama siinin, garsoorahii hore Ingiriiska Graham Poll ayaa saddex jaale siiyay Josip Simunic kulan ka tirsan koobkii Adduunka 2006.aa Balse kulanka la tuhmay kama dhicin.

Miyaa Loo Ogolaaday Vida Inuu Ciyaaro?

Sidey ku fakareen Jamaahiirta:

Marka laga hadlo ganaaxyada, hal ciyaariyahan ayaa seegi lahaa semi final-ka koobka Adduunka marka laga hadlo kulankaan waana Domagoj Vida.

Markii ay Croatia si rigoore tuuris ah kaga soo gudubtay Russia, waxaa la helay muuqaal lasoo xaday oo ay ka muuqdaan Vida iyo saaxiibkiisii hore Ognjen Vukojevic kaas oo hadaa indha-indheeye u ah kooxda Dynamo Kiev, waxeyna lahaayeen “Guul Ukraine”

Waxey arrintaas abuurtay muran badan, waxaana jiray dad soo jeediyay in la ganaaxo.

Sida Looga Qanciyay?

FIFA wax ganaax ah ma duldhigin xiddigaan tiiyoo ay jirto inuu bandhig ilqabad leh sameeyay qeybtii labaad kulankii England maadaama uu hawada ka qariyay Harry Kane.

Dhanka kale xiriirka kubadda cagta Croatia ayaa go’aan ka qaadan doona VIDA kadib tartanka, balse ma jirto sabab uu ku seegi lahaa kulanka Semi Final-ka.

Cabasho ay ka keeneen heerka garsoore ee Cunayet Cakir.

Sidey ku fakareen Jamaahiirta:

In badan oo ka mid ah jamaahiirta England ayaan ku qancin heerka garsoore ee Cunayet Cakir oo ka mid ah garsoorayaasha loogu jecel yahay qaaradda yurub, maadaama uusan hal jaale siinin Dejan Lovten oo dhawr qalad ka geystay kulanka.

Daafacaan ayaa hawada ka qariyay dhawr jeer Raheem Sterling, sidoo kalana qaladaad badan ayuu sameeyay balse seefta Cakir wuu ka badbaaday, dhinaca kalana waxey dood badan ka keeneen goolkii barbardhaca ee Ivan Perisic kaas oo ay ku tilmaameen in kubad joog sare uu xidiga madaxeeyay taasna ay xeer ahaan qalad tahay.

Sida Looga Qanciyay?

Garsoorayaasha koobka Adduunka waxey ka siman yahiin iney hab dabacsan kaararka u bixiyaan, waana tan dad badan ay ugu tixgeliyaan tartankaan midkii ugu wanaaganaa ee la garsooray.

FIFA kuma celiso oo dib uma ciyaarsiiso kooxaha hadii qaladaad garsoore ay dhacaan, Iyadoo aan la eegeynin hadii go’aanka uu ahaa mid saxan iyo mid qaldan, natiijada waxba iskama badaleyso.