Michael Keane Oo Ay Saxiixiisa Ku Loolamayaan Man United, Liverpool, Everton Iyo Tottenham Oo Dhamaadka Xili Ciyaareedkan Iskaga Tagaya Burnley.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Kooxaha Manchester United, Liverpool, Tottenham iyo Everton ayaa ka mid ah kooxaha Premier Leaque-ga ee safka dheer ugu jira saxiixa difaaca xulka qaranka England iyo kooxda Burnley ee Michael Keane. Sida uu Sky Sports shaaca ka qaaday  Michael Keane ayaa go’an ku gaadhay in uu dhamaadka xili ciyaareedkan iskaga baxo kooxdiisa Burnley wuxuuna soo dhaweeyay xiisaha kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga.

Jose Mourinho ayaa doonaya in uu 24 jirkan dib ugu soo celiyo Old traffrod laakiin kooxda Burnley ayaa xidigan ku doonaysa in toban jibaar ka badan lacagtii uu Old Traffrod kaga baxay waqtigii Luis Van Gaal.  Michael Keane ayaa Burnley ugu biiray kaliya 2.5 milyan gini balse kooxdan ayaa hadda ku doonaysa in ka badan 25 milyan oo gini.

Michael Keane oo kulankiisii ugu horeeyay dhawaan u ciyaaray xulka qarankiisa England ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed joogto ah oo laysku halayn karo, wuxuuna axada Burnley kaga hor iman doonaa kooxdiisii hore ee Manchester United oo si wayn u doonaysa in ay dib u soo ceshato.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sidoo kale doonaya in  Michael Keane uu difaaca kooxdiisa ku soo xoojiyo dhamaadka xili ciyaareedkan balse kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaan kali ku ahayn tartanka loogu jiro saxiixa  Michael Keane waxaana sidoo kale doonaya kooxaha Tottenham iyo Everton.

Xagaagii la soo dhaafay kooxda Leicester City ayaa dhawr jeer dalabyo ka gudbisay  Michael Keane laakiin waxa uu doortay in uu Burnley ku sii nagaado. Heshiiska  Michael Keane ee Burnley ayuu ka hadhsan yahay hal sano oo kaliyi waxayna xagaaga ka samayn doontaa lacag aad u badan marka la barbar dhigo lacagtii yarayd ee ay kula soo wareegtay.