Mesut Ozil Oo Jawaab Kama Dambays Ah Siiyay Shaqsiyaadka Sida Joogtada Culayska Ugu Saara Inay La Bar-Bardhigaan Halyeeyga Kooxdiisa Arsenal Ee Dennis Bergkamp

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa kaddib qaab ciyaareed wacan oo uu kala soo muuqday kulankii ay shalay dhibcaha muhiimka ah kasoo heleen Newcastle United u jawaabay shaqsiyaadka isaga culayska ku saara inay la bar bardhigaan halyeeyga kooxdiisa ee Dennis Bergkamp.

Mesut ayaa bar-tilmaameed u noqda shaqsiyaad badan kaddib dhibaato kasta oo ay Gunners kula kulmaan garoonka dhexdiisa waxaana uu dhibane u yahay inuu markasta halka ugu horreysa kaga jiro liiska shaqsiyaadka ka tirsan kooxdaas ee canaanta ugu badan la kulma.

 

Ozil ayaa marka hore sheegay inay jamaahiirta kooxdu isaga taageerayeen ilaa markii uu kooxda kusoo biiray sababtuna ay tahay inuu u ciyaaro hab ciyaareedka uu isagu shaqsiyan doorbido, Hadalkaas ayaana cadayn u ah sida uu xiddigu u diidayo in shaqsiyaad kale lala bar-bardhigo.

29 jirkan ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Jamaahiirtu markasta way i taageerayeen aniga ilaa markii aan imid shan sano kahor, Sababtuna waxay tahay inaan awooday inaan u ciyaaro habka aan anigu doorbido”

“Waxaan markasta doonayaa inaan xakameeyo kulanka, Aan gool caawin u sameeyo oo aan caawiyo kooxdayda, Waxaan sidaa ahaa laga soo bilaabo bilawgii, Aniga booskeyga waxaad ka helaysaa suurogalnimo badan oo aad hore ugu ciyaarto, Waxaad dalban kartaa kubadda, Waxaad samayn kartaa baasas muhiim ah iskaana goolal waad u dhalin kartaa”

“Laakiin anigu ma doonayo inaan naftayda la bar-bardhigo qofna, Waxaan leeyahay habkayga ii gaarka ah waxaanan lahaa ilaa markaan carruurta ahaa, Waan u hanwaynahay is bar-bar dhigyadan laakiin ANIGU WAXAANA AHAY MESUT OZIL MANAAN IDLAAN WALI”

Hadalkan ayaa fariin cad u ah shaqsiyaadka u bartay inay Ozil la bar-bardhigaan xiddigaha waaweyn ee kooxda soo maray gaar ahaan kubad sameeyihii mucjisada ahaa ee Dennis Bergkamp kaas oo kooxda usoo dhaliyay 120 gool isla markaana la qaaday saddex horyaal mudo sagaal sano ah oo uu ku sugnaa.