“Messi Waligii Waxa Uu Rabay In Uu Real Madrid U Ciyaaro.”

by Jaalle | Wednesday, May 16, 2018

Lionel Messi waxa uu waligii rabay in uu Real Madrid u ciyaari, waxaa sidaa yiri wariye Eduardo Inda.

2001-dii ayuu isaga oo da’yar Lionel Messi Barcelona uga yimi Argentina.

Weeraryahanka hibada leh waxa uu ku soo caan baxay carbiska Barcelona, 17 sano kaddib waa gool dhaliyaha ugu sarreeya Argentina.

Laakiin wax walba wey is bedeli lahaayeen haddii ay uu raaci lahaa riyaddiisa.

Inda waxa uu sheegay markii ugu horreeysay ee uu Messi yimi Spain, Messi waxa uu rabay in uu u ciyaaro caasimadda  iyada oo uu Jorge Valdano oo ahaa agaasimihii ciyaarayaha Real Madrid iski dayey in uu la soo saxiixdo.

“Mar walba in uu Real Madrid u ciyaaro ayuu rabay,” waxaa sidaas yiri Inda.

“Waxaa taas dheer, 2002 waxa uu ku dawaaday in uu ku biiro. Valdano wuu isku dayey, laakiin ma sameyn karin waxa uuna aaday Barca.”

Xattaa haddii ay run tahay, go’aankii Messi ee uu ugu biiray Barcelona wuu ku baraaray.

Messi wixii intaa ka dambeeyey waxa uu qaaday 9 La liga, 4 Champions League iyo shan Ballon d’Or.

 

 

8 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. itmo 17-05-2018 at 8:55 pm -

    way ficnan lahay in riyadisu urumowd

  2. cabdi 16-05-2018 at 11:54 pm -

    Haduu Ku biiri lahaa real saacaan inta champion ey heysato kabadan ayey haysanleheed

  3. mascud C/aahi 16-05-2018 at 10:01 pm -

    waaa wax dhici Kara lkn ma dhicin had a waana zbabta uu ugu ciyaro Barcelona mana dhicin inuu uciyaaro Real madrid

  4. mascud 16-05-2018 at 10:01 pm -

    waaa wax dhici Kara lkn ma dhicin had a waana zbabta uu ugu ciyaro Barcelona mana dhicin inuu uciyaaro Real madrid

  5. Maxamed 16-05-2018 at 6:12 pm -

    Waa macquul laakiin hadda waa ciyaartooy barcelona ah

  6. AHmeD 16-05-2018 at 5:43 pm -

    Sidoo kale Uma maleymayo inuu waligii niyadiisa ku soo dhacdeY ku biirista real madrid iska hubso warkaas

  7. salmaan 16-05-2018 at 4:39 pm -

    adigu miyaad ogayd sxb wuxu miisi ku riyooonayay sideed ku dhihi kartaa waligii kumuu riyoon inuu real u ciyaaro… real madrid ciyaartoy nasiibleh ayaa u ciyaara waa naadiga ugu fiiican taariikhda kubadda cagta

  8. Àhmed 16-05-2018 at 4:26 pm -

    Been ayaan u arkaa arinkaa messi waligis kuma riyon xata real inuu maalinun tago