Messi Oo Ka Fiirsanaya Inuu Ku Biiro Man City Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Jimce Ah

by Saed Balaleti | Friday, Oct 13, 2017

Jimce wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Ingariiska ka soo baxa.

Waxaa dhawaan soo xirmay suuqii kala iibsiga xagaaga, laakiin taasi kama joojineyso kooxaha iyo warbaahinta inay ka hadlaan ciyaartoy diirada saaran ee laga yaabo in lala wareego bisha Janaayo marka uu suuqa dib u furmo. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

Lionel Messi ayaa si dhib ah uga fiirsanaya inuu sameeyo bilow cusub oo uu ka tago Barcelona, waxaana uu qorsheynayaa inuu xagaaga danbe u wareego kooxda Manchester City ee uu tababare u yahay macalinkiisii hore ee Pep Guardiola. (The Sun)

Manchester United ayaa qorsheyneysa in dalab 50 milyan ginni ugu dhaqaaqdo daafaca bidix ee Tottenham Danny Rose ka dib markii laga saaray kalandarka Tottenham ee 2018 (The Sun)

Manchester City ayaa diyaar u ah inay qiimo aad u jaban oo gaaraya 20 milyan ginni kula soo wareego Alexis Sanchez bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga. (Daily Mirror)

Tababaraha kooxda West Ham Slaven Bilic ayaa aaminsan in goolhayaha England iyo West Ham Joe Hart inuu yahay goolhaye aan helin ixtiraamkii uu mudnaa. (Daily Mirror)

Manchester City ayaa la filayaa inay bilowdo bisha Janaayo qorshe ay ku soo xerogelineyso weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez. (Daily Telegraph)

Kenny Dalglish ayaa ku amaanay Sir Alex Ferguson inuu meel iska dhigay xafiiltankii kala dhaxeeyay oo uu ka qeybgalayo xaflada Dalglish loogu magacdarayo qeyb ka mid ah garoonka Anfield. (Daily Telegraph)

Tababarihii hore ee Manchester United iyo Sunderland David Moyes ayaa diyaar u ah inuu kala hadlo Scotland si uu u noqdo tababarahooda cusub. (The Sun)

Indha indheeyayaal ka socda Chelsea ayaa daawan doona weeraryahanka reer Ghana ee u ciyaara kooxda Red Star Belgrade 24 sanno jirka Richmond Boakye marka uu isbuuca danbe la ciyaarayo kooxda Arsenal ee tartanka Europa League. (Daily Mail)

Liverpool iyo Arsenal ayaa labadaba mar kale xagaaga soo socda ku dagaalami doona saxiixa 21 jirka khadka dhexe ee Monaco Thomas Lemar

Liverpool and Arsenal will both move for Monaco and France midfielder Thomas Lemar, 21, next summer. (Daily Mirror)