Mediaset Sport: Milkiilaha Inter Oo Ugu Goodiyay Ciyaartooyda Kooxdaasi Ineysan Wax Mushaard Ah Qaadan Doonin

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Nov 29, 2016

Agaasimaha guud ee Suning Group, Jindong Zhang, ayaa shalay la kulmay ciyaartooyda kooxda Inter Milan oo uu ku booqday xaruntooda tababarka wuxuuna ugu goodiyay ineysan qaadan doonin wax mushaarad ilaa ay wax ka badalayaan qaab ciyaareedka liita ay ku soo bandhigayaan kooxda.

Ninkaan Chinese ka ah ayaa u sheegay ciyaartooyda kooxdaasi inuusan aqbalin karin dhaqamada foosha xun ee kaga muuqdo kooxda iyo in ciyaartooyda aysan wax culeys ah iska saaran dhibaatad aku habsatay ee natiijo xumida ah kadib markii ay si layaab ah uga soo hareen tartanka Europe League.

jindong-zhang

Macalinka kooxdaasi ee Stefano Poli ayaa saxaafada u sheegay “Wuu ila hadlay, kadibna wuxuu u tagay ciyaartooyda isagoo u cadeeyay wax waliba, waa inaan si buuxo ugu muujinaa milkiileyaasha kooxda inaan diyaar u nahay inaan is garab taagno, waxay leeyihiin damac cad oo ah in Inter lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtay iyo in la dhowro maqaamka kooxda”.

Mediaset Sport ayaa qoreysa in agaasimaha Suining uu u sheegay inuusan jiri doonin ciyaariyahan kooxda jooga oo mushaar qaata ilaa ay wax ka badalaan dhaqankooda kii aanan ku qanacsaneyna uu isaga tagi karo kooxda.

Like it? Share it!

Leave A Response