Maxey Chelsea Hadiyad Ahana Ugu Dirtay Leicester City Madama Ay U Ogolaadeen Saxiixa N’Golo Kante Xagaagii Hore.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Agaasimaha farsamada Chelsea Michael Emenalo ayaa shaaca ka qaaday inuu hadiyad u diray Leicester City madama ay u ogolaadeen xagaagii hore iney kala soo saxiixdaan N’Golo Kante kaas oo Blues ka caawiyay ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Kubad burburiyaha reer France ayaa si hagar la’aan ah uga caawiyay Blues iney ku guuleysato horyaalka inkastoo uu xili ciyaareedkii hore Leicester City ka caawiyay sidoo kale iney markii ugu horeysay taariikhda isla horyaalka.

26-jirkaan awoodda badan ayaa si qaas ah u hantay abaalmarinada ay kala bixiyaan ururka xirfadlayaasha kubadda cagta iyo ururka qorayaasha, balse Michael Emenalo ayaa si hagar la’aan ah uga mahad celiyay Foxes iney u ogolaadeen xidigaan muhiimka ah.

“Waxaan leenahay nasiib, ubax ayaan u diray Leicester, madama ay noo ogolaadeen inaan isaga heysano” ayuu yiri Emenalo oo la hadlayay Evening Standard xilli uu ku sugnaa xafladii ay qorayaasha kubadda cagta abaalmarinta ku gudoonsiiyeen N’Golo Kante.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments