Maxay Wargeysyada Caalamiga Ah Ka Qoreen Guushii Xalay Ee Real Madrid & Xiddiga Rikoorka Jabiyay Cristiano Ronaldo?

by Saed Balaleti | Thursday, May 18, 2017

Warbaahinta caalamka ayaa si dhakhso amaan ugu dhaqaaqay qaab ciyaareedkii uu Cristiano Ronaldo xalayto ku soo bandhigay Balaidos, iyadoo Real Madrid ay gaartay guul dahabi aheyd oo ka dhigeysa in kooxda Zidane ay ku baahan tahay kaliya hal dhibic kulanka ugu danbeeya ee Malaga si ay u xaqiijistaan hanashada horyaalkoodii ugu horeysay ee muddo shan sannadood.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa labo gool ka dhaliyay xalayto kooxda Celta Vigo, waxaana labadiisa gool ay ka dhigtay inuu jabiyo rikoorka gooldhalinta horyaalada Yurub ee uu 366 gool ku hayay ninka reer England Jimmy Greaves. Cristiano ayaa haatan dhaliyay 368 gool oo horyaal ah tan iyo sannadii 2003.

Cinwaanadii laga qoray Ronaldo & warbaabinta caalamka

Daily Mail (UK): “Labadii gool ee Ronaldo oo ka caawisay Real Madrid inay u dhawaadaan hanashada horyaalkoodii ugu horeysay ee muddo shan sannadood ah.”

Tuttosport (Italy): “Real Madrid hal talaabo kaliya ayay u jirtaa inay qaado horyaalka.”

La Gazzetta dello Sport (Italy): “Cristiano oo wax badan ku noqday Celta iyadoo Real Madrid ay ku dhawaatay hanashada horyaalka.”

A Bola (Portugal): “Ronaldo oo ku ifay Galicia, una dhaweeyay Real hanashada horyaalka.”

L’Equipe (France): Real Madrid oo soo taabatay koobka horyaalka.”

Bild (Germany): “Real oo ku dhow inay noqdaan horyaal”

Olé (Argentina): “Talaabo Talaabada ku xigta ayay qaadeysaa Real Madrid”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments