Maxay Tahay Sababta Uu Eden Hazard Ugu Waayay In Romelu Lukaku Uu Laba Gool U Dhaliyay Xulkooda Belgium? Hazard Oo Kaftan Ku Sharaxay.

Gool dhaliyaha xulka qaranka Belgium iyo kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa intii lagu jiray kulankii xulka qarankiisa Belgium uu guusha ka gaadhay Switzerland ee kulankii ay xalay labada xul ku wada ciyaareen dalka Belgium.

Eden Hazard ayaa qaab kaftan ah u sharaxay sababta aanu ugu faraxsanayn in  Romelu Lukaku uu laba gool ka dhaliyay kulankii xalay xulkooda Belgium uu guusha ka gaadhay Switzerland wuxuuna Hazard ku dooday in uu doonayo in qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Lukaku uu ku koobnaado shaqada xulooda Belgium.

Eden Hazard ayaa ku dooday in  Romelu Lukaku uu dhawaan kaga hor iman doono Manchester United, sidaa daraadeedna aanu jeclaysanayn in uu sii wato qaab ciyaareedkiisa fiican ee uu xalay labada gool ugu dhaliyay xulkooda Belgium.

Eden Hazard oo qaab kaftan ah uga hadlaya qaab ciyaareedkii fiicnaa iyo gool dhalintii saaxiibkiisa Belgium ee  Romelu Lukaku ayaa yidhi: “Calaamad fiican ma aha in Romelu uu goolal dhaliyay caawa, sabbatoo ah si deg deg ah ayaan isaga Chelsea ugaga hor imanayaa”.

Laakiin Hazard oo kaftan uu xaqiiqda dhex raaciyay sii wata ayaa yidhi: “Haddii uu goolal u dhaliyo Belgium way fiican tahay, laakiin wax fiican ayay noqon doontaa haddii ayna Manchester United noqon”.

Hazard ayaa doonaya in Romelu Lukaku uu sii wadan karo gool dhalinta xulka qarankiisa Belgium balse in aanu Manchester United wax goolal ah u dhalin marka ay labada xidig iskaga hor yimaadaan kulanka xiisaha badan ee Manchester United iyo Chelsea wada ciyaari doonaan marka dhawaan laga soo laabto kulamada caalamiga ah.

Eden Hazard ayaa xili ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareedkiisii abid ugu fiicnaa isaga oo markii ugu horaysay 7 gool oo Premier league ah ka dhaliyay siddeeda kulan ee ugu horeeya wuxuuna ku raaxaysanayaa hanaanka ciyaareed ee Maurizio Sarri isaga oo ka raystay hanaankii ciyaareed ee Antonio Conte iyo Jose Mourinho ee awoodiisa weerar la xadidayay.