Maxay Ahaayeen Sababahii Uu Neymar Jr U Seegay Kulankii Kooxdiisa PSG iyo Waliba Tababarkii Ka Danbeeyay? Thomas Tuchel Ayaa Kala Cadeeyay Haddii Uu Kulanka Liverpool Diyaar U Noqon Karo.

Xidiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa seegay kulankii Ligue 1 ee ay kooxda Paris Saint-Germain jimcihii kula ciyaartay dhigeeda AS Saint Etienne, taasoo keentay su’aalo ku saabsan suurtagalnimada uu kaga qeyb gali karo kulanka Liverpool ay ku wada ciyaari doonaan tartanka Champions League.

Neymar Jr iyo saaxiibkiis reer France ee Kylian Mbappé ayaa seegay kulankii France – Ligue 1 ay xalay 4-0 kaga badiyeen kooxda AS Saint Etienne garoonka Parc des Princes ee caasimada Paris.

Neymar ayaa ku guuldareestay inuu dib u helo awoodiisa jidh ahaaneed kadib, marka uu kasoo laabtay kulamadii caalamiga ahaa uu dhawaan kala qeyb galay xulkiisa qaranka Brazil.

Hadaba Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Thomas Tuchel ayaa meesha ka saaray in Neymar Jr uu safto kulankii xalay ay kula ciyaareen kooxda AS Saint Etienne horyaalka France, waxaase intaas sii dheer in xitaa uu ilaa iyo haatan ka reebay inuu ka qeyb qaato tababarka kooxda sida uu isagu sheegay.

Laakiin Thomas Tuchel ayaa ka jawaabay sababaha looga saaray Neymar Jr kulankii xalay ee kooxda AS Saint Etienne ee horyaalka France iyo fursada uu u heysto inuu ciyaaro kulanka Talaadada ay Liverpool kula ciyaari doonaan tartanka Champions League.

Thomas Tuchel oo su’aashan ka jawaabaya ayaa wuxuu yidhi: “Waan ka hadalnay inuu ka soo laabtay dalka Mareykanka, way ku adkeyd, sababtoo ah xaaladiisa jidh ahaaneed may fiicnayn, waxaan u diiday inuu ka qeyb galo tababarka kooxda, waxaa muhiim ah inaan u helno fursad fiican oo uu dib ugu soo laaban karo kulanka Liverpool ee Champions League, waan arki doonaa”.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar Jr ayaa kulanka Liverpool taam buuxa u noqon doona isaga oo waliba la siiyay waqti badanoo uu si buuxda ugu nasto kadib kulamadii caalamiga ahaa ee uu xulka qarankiisa Brazil uga soo qayb galay.