Maxaa Ka Jira In Pierre-Emerick Aubameyang Uu Doonayo In Uu Jurgen Klopp Kula Midoobo Liverpool? Iyo Kooxaha Kale Ee PL Ee Xidigan Doonaya.

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jun 18, 2017

Waxaa soo baxay war cusub oo sheegaya in xidiga xulka qaranka Gabon iyo Borsussisa Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang uu u furan yahay in uu Jurgen Klopp kula biiro Anfield oo uu markale kaga hoos shaqeeyo kooxda Liverpool.

Wargayska ree France ee  Le Parisien ayaa shaaciyay warka sheegaya in Pierre-Emerick Aubameyang uu doonaya in uu Premier Leaque-ga uga ciyaaro Livrpool iyada oo sidoo kale ay warar kale sheegayaan in mulkiilayaasha Liverpool ay diyaar u yihiin in bixiyaan lacagta qaaliga ah ee ay Dortmund ku doonayso saxiixan xidigan.

Kooxda PSG ayaa u muuqatay in ay ku guulaysatay saxiixa Aubameyang  balse waxaa la sheegay in kooxda ree France ay iskaga hadhay baacsashadii xidigan iyada oo muhiimada kowaad siinaysa sidii ay AS Monaco uga soo qaadan lahayd da’yarka Mbappe.

Wargayska Le parisien ayaa sheegay in Lieerpool ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagta 61 milyan ee gini ah ee ay Dortmund ku qiimaysay xidigan iyada oo lacagani ay la mid tahay intii ay Liverpool ku doonaysay difaacii ay iskaga baxday tartankiisa ee Van Dijk.

Jurgen Klopp ayaa sanadkii 2013 kii la soo saxiixday Aubameyang markaas oo uu ahaa macalinka kooxda uu hadda xidiga ree Gabon ka tirsan yahay ee Borussia Dortmund, wuxuuna tan markaas dhaliyay in ka badan 100 gool.

Jamaahiirta Liverpool ayaa kooxdooda baryahan ka dalbanayay in haddiiba ay 60 milyan oo gini ku doonayeen Van Dijk sababta ayna Aubameyang  lacagtan ugula soo wareegi karin.

Laakiin Liverpool ayaan kali ku ahayn Aubameyang  waxayna taran xoogan kala kulmaysaa koxaha Manchester City, Chelsea, Manchester United iyo Arsenal iyada oo ay dhamaan kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-gu ay u dhegtaagayaan xaalada Aubameyang .

Liverpool ayaa la filayaa in todobaadkan ay dhamaystiri doonto saxiixa Mohamed Salah oo talaaladada la filayo in uu tijaabada caafimaadka u mari doono Reds. Wixii ka soo kordhaya xaalada cusub ee Aubameyang  iyo kooxda Liverpool wararkeena danbe ayaad insha Allah kula socon doontaan.