Maurizio Sarri Oo Soo Bandhigay Sheeki Cajiib Ah Oo Isaga Iyo Jurgen Klopp Ku Dhex Martay Stamford Bridge.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa soo bandhigay hal arin oo uu kaga yaabay macalinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp. Chelsea ayaa guuldaro soo baday Liverpool kulankii EFL Cupka ee Anfield inkasta oo ay Reds gool ku hormartay laakiin markale Liverpool iyo Chelsea ayaa Stamford Bridge ku ciyaaray kulankii Premier League ee ay barbaraha galeen iyada oo Reds markan barbaraha la timid dhamaadkii ciyaarta.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in dhamaadkii ciyaarta ee kulankii Stamford Bridge uu arkay Jurgen Klopp oo faraxsan oo isaga oo eegaya wuxuuna waydiiyay sababta uu u faraxsan maadaama oo uu waqtigaas guuldaro ku socday ka hor intii aanu Daniel Sturridge goolka barbaraha u keenin Liverpool.

Laakiin jawaabta uu Maurizio Sarri ka helay Jurgen Klopp ayaa layaab ku noqotay wuxuuna cadeeyay in Klopp uu u sheegay in uu ku raaxaysto kubbada cagta oo uu maad ka dhegto  wuxuuna Sarri ku jawaabay in uu wax badan ku raaxaystay balse Klopp oo ay kooxdiisu guuldaro ku jirtay waqtigaas ayaa isna sheegay in uu ciyaarta ku raaxaysatay.

Balse Maurizio Sarri ayaa tilmaamay in markii ay ciyaartoy dhamaatay ay Klopp laafta ama xabadka isku galiyeen sidii rag saaxiibo hore soo ahaan jiray, wuxuuna la dhacay qaabka uu macalinka reer Germany uu u dhaqmay waqti cadaadis badani uu kooxdiisa ka haystay in ay barbaraha keensato.

Maurizio Sarri oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan arkay ciyaarta oo socota oo uu Klopp aniga i soo eegayo, waxaan waydiiyay: ‘Maxaad la dhoolo cadaynaysaa?’. Wuxuu iigu jawaabay: ‘Miyaanad ku maadsan ama ku raaxaysan?. Waxaan ku idhi: ‘in aad u badan’. Wuxuu isna ku daray: ‘Aniguna sidoo kale”.

Tababare Sarri oo xalaadii markaas jirtay ee ay Liverpool guuldarada ku socotay ka hor intii aanu Sturridge goolka barbaraha dhalin ayaa yidhi:”Maraas isagu wuu guuldaraysanayay, xataa kadib barbaraha, waxaanu laabta isku galinay sida laba saaxiib oo hore ah”.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in xataa haddii ayna Liverpool keensan goolkii barbaraha ee Sturridge in Klopp uu isla sidii uu arkay ahaan lahaa wuxuuna yidhi: ” Waxaan hubaa in uu si la mid ah samayn lahaa xataa haddii ayna Liverpool barbaraha keensan, Premier league waxa uu haystaa farxadan kubbada cagta”.