Mathieu Oo La Reebay, Mascherano Oo Lagu Daray & Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Caawa Wajahaya Juventus Oo Lasoo Saaray. 

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Apr 19, 2017

Luis Enrique ayaa goor hore soo saaray liiska ciyaartoyda uu ku wajahi doono Juventus kulanka lugta labaad ee koobka horyaalada yurub wareegiisa quarter finalka, marka kooxda ka dhisan gobolka Catalan laga doonayo iney kasoo laabato guuldaro 3-0 ah.

Barcelona waxey si daran ugu farxeen soo laabashada Javier Mascherano kaas oo safka kasoo muuqday, waxaana kooxda laga reebay Vidal, Turan iyo Rafinha oo dhaawacan, hana ka reebin in Jeremy Mathieu laga reebay isagoon wax dhibaato ah qabin.

Neymar Junior ayaa caawa kasoo muuqanaya kulankaan iyado la filayo inuu weerarka lamaan kula noqdo Suarez iyo Messi madama uusan ciyaari doonin kulanka El-Clasico sababo dhanka ganaaxa ah.

Sergio Busquets ayaa dib ugu soo laabtay Barcelona kaas oo ganaax ku seegay kulankii lugta hore, Javier ayaana la filayaa inuu kusoo bilowdo daafaca dhexe iyadoon la ogeyn shaxda uu adeegsan doono.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Ter Stegen, Piqué, Rakitic, Sergio, Denis, A. Iniesta, Suárez, Messi, Neymar Jr, Cillessen, Mascherano, Paco Alcácer, Jordi Alba, Digne, Sergi Roberto, André Gomes, Umtiti and Aleñá (28).