Markii Hore Philippe Coutinho, Haddana Mohamed Salah, Real Madrid Oo Doonaysa In Ay Dariiqii Barcelona U Marto Saxiixa Salah.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Jan 10, 2018

Wargeyska Daily Mirror ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dhibaato kale oo xoogan ay kusoo socoto kooxda  Liverpool taasoo ku aadan dhanka suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda kooxdeeda ah, kadib maalmo kooban heshiiskii Philippe Coutinho uu kaga biiray kooxda Barcelona iyada oo markan Real Madrid isha ku haysa in ay la soo saxiixato xidiga wacdaraha dhigaya ee Mohamed Salah.

Barcelona ayaa maalmo kooban kahor si rasmi ah ugu dhawaaqday inay  dhameystirtay heshiiska ay Philippe Coutinho kagala soo wareegtay Liverpool aduun dhan 160 milyan euros, isaga oo qalinka ugu duugay 5 sano iyo badh ah.

Wargayska Daily Mirror”ayaa warbixinadii uu maanta daabacay daboolka kaga qaaday in kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Real Madrid ay si xoogan isha ugu heyso adeega xidiga reer Egypt iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah, waxayna dooneysa inay lasoo saxiixato si ay jawaab celin xoogan kaga dhigto heshiiska uu Philippe Coutinho ku yimid kooxda Barcelona.

Ma aha markii ugu horaysay ee Mohamed Salah lala xidhiidhanyo Real Madrid basle waxa uu ahaa war soo socday xili ciyaareedkan iyada oo xataa Zidane wax laga waydiiyo markaas oo uu macalinka ree France si wayn u amaanay Mohamed Salah.

Saraakiisha kooxda Los Blancos ayaa waxay doonayaan inay sameeyaan howlgalo xoogan ay ku raadinayaan saxiixa 25 jirka reer Egypt ee Mohamed Salah, waxayna u arkaan in laacibkan uu u qalmo xidhashada maaliyada kooxda Real Madrid, kadib bandhigiisa cajiibka ahaa uu ka sameeyay kulamadii xili ciyaareedkan uu kaga soo muuqday horyaalka Premier League-ga.