Mark Clattenburg Oo Kashifay Inuu Koorne Aysan Laheyn Siiyay Man United Isagoo Ka Cabsanaya Roy Keane Sidoo Kalan Sharaxay Sababta Ugu Wacan.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Dec 6, 2017

Garsoorahii hore Manchester United Mark Clattenburg ayaa shaaca ka qaaday inuu mar badalay go’aankiisa isagoo ka cabsanaya kabtankii hore Red Devils Roy Keane waqtiyadii ugu horeeyay uu garsoore ka noqdo horyaalka Premier League.

42-jirkaan reer England ayaa todobaadkaan heysta saxaafada Ingiriiska wuxuuna wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Men In Blazers, waxyaabaha ugu waaweyn oo uu ka hadlay ka hor arintan waxaa ka mid ah dagaalki Bridge ee Spurs iyo Chelsea iyo sidoo kale go’aankii uu kaga tagay Premier League.

Si kastaba Mark Clatteburg wuxuu qiray inuu lumiyay maankiisa isla markaana uu siiyay koorne aysan xaq u laheyn Red Devils isagoo ka cabsaday qeylada kabtankii hore Red Devils Roy Keane xilli uu ahaa wiilyar oo ku cusub Premier League.

“Xitaa markii aan joogay Premier League ilaa iyo hadda waan dhoola cadeeyaa markii ugu horeysay oo aan wajaho Roy Keane” ayuu yiri Clattenburg.

“Wuu nagu qeyliyay si aan koorne u siino, waan hubay iney tahay kubad gool ka laad ah, balse waxaan siiyay koorne markii uu qeylo dhaamiyay, isaga ayaan ka cabsaday xiligaas”

Clattenburg wuxuu qiray inuu ahaa wiil yar oo ku cusub saaxadda garsoorenimo, wuxuuna kulanka ahaa mid ugu yaraan ka tan weyn.

“Sida cad ah ma aheyn mid wax maamuli kara” ayuu yiri Mark, “Ma laheyn qibrad maamul sababtoo ah waxaan ahaa wiil aad u yar”

“Ma aheyn mid u dhisan shaqadaas, sidoo kale wax qibrad ah uma laheyn in lala xaalo dadka, la maamulo, hadal sax ah lagula hadlo waqtiga ku haboon”

“Waxey aheyd markii ay da’da ii korortay inaan bilaabo hormarinta xirfadahaas, marka aad leedahay xirfadahaas waxaad si fiican u dhexgaleysaa dadka waaweyn iyo ciyaartoyda”

“Hadii aad dhex gasho ciyaartoyda, waxey noloshaada ka dhigayaan mid fudud, hadii ay sidaas dhacdana waxaad noqoneysaa garsoore fiican”