Mariano Diaz Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu U Doortay Xirashada Lambarkii 7-aad Ee Uu Ka Tagay Cristiano Ronaldo!

Weeraryahanka Real Madrid ariano Diaz waxa uu sheegay in uu cadaadis dheeri ah dusha iska saaray kaddib markii uu doortay xorashada lambarkii 7-aad ee Cristiano Ronaldo.

Real Madrid €22 million (£20m) ayey dib xiddigga ugula soowareegtay Lyon bishii hore. 25 jirka xagaagii hore ayey €8m (£7.2m) uga iibisay Laacibka Lyon, waxa uu kooxda reer France u dhaliyey 21 gool 45 kulan oo uu uga soo muuqday kulamada.

Sevilla ayaa dooneysay in ay xiddigga la soo saxiixato laakiin Madrid ayaa uga adkaatay maadama ay heshiiskeedii hore ee ahaa in ay dib u iibsan karto u adeeg satahay soo xero galinta laacibka reer Dominican Republic.

“Haa, aad ayuu miisaan culus yahay. Xor ayaan ahaa, waa lambar aan jeclahay  waana ka helaa waana loolan shaqsiyadeed. Waan ku faraxsanahay in aan adeegsato lambar ayey soo adeegsadeen Amancio, Juanito, Butragueño, Raul and Cristiano Ronaldo,” ayuu Mariano u sheegay barnaamij Raadiye ka baxa oo loo yaqaan El Partidazo Cope.

“Dad badan ayaa ii sheegay in aan dooran, laakiin kama fakarayo. Waxaan rabaa in aan shaqo adag qabto oo ku raaxeysto.”

Mariano waxa uu ahaa kayd aan la adeegsan kulankii ay 4-1 uga badiyeen Real kooxda Leganes laba toddobaad kahor.