Marcus Rashford Oo Gool Ku Furtay Waayahiisa Champions League Kulankii Basel & Rikoorka Uu Ka Heysto Tartan Walba Furitaankiisa.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Sep 13, 2017

Da’yarka Man United Marcus Rashford ayaa xalay gool ku furtay waayahiisa Champions League, waana markii lixaad oo uu gool ku furanayo waayo kala duwan iyo maaliyado uu u xirtay qaranka & kooxdaba.

Bisha soo aadan ayuu 20-jirsan doonaa, balse si qoto dheer ayuu u noqday mid hadal heyn badan leh isla markaana si fican ula falgala kubadda cagta qarankiisa iyo Manchester United waqti yar gudaheed.

Musalsalka Marcus Rashford wuxuu soo bilowday horaantii 2016, bishii February ayuu si lama filaan ah u furtay waayahiisa Premier League markii uu laba gool ka dhaliyay Arsenal, goolhaye Petr Cech ayaana noqday kii ugu horeeyay ee dhibane u noqda wiilkaan.

Isla Bishii February Marcus Rashford wuxuu gool dhaliyay kulan ay kooxdiisa guul ka gaartay naadiga Midjylland ciyaar ka tirsan tartanka UEFA Europa League – laba gool ayuuna shaba

qa soo taabsiiyay.

Bartamahii 2016, ayaa looga wacay qaranka England, qaranka Australia ayuuna markii ugu horeysay ka hor yimid goolna ka dhaliyay.

Sanadkii lasoo dhaafay waxey u aheyd sanadka ugu badan oo uu kasoo muuqday dhawr tartan, wuxuuna dhaliyay afar gool isagoo kala mataaya qaranka England labadiisa darajo ee 21-jirada iyo kuwa waaweyn.

Xalayto ayeyna u aheyd markii ugu horeysay oo uu kasoo muuqdo Champions League, shabaqa ayuuna kasoo taabtay Basel, ciyaar ay 3-0 kooxdiisa guul ku qaadatay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments