Marco Verratti Oo Rajo Galiyay United, Arsenal Oo Ku Dhaw Leno Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ayaa lagu kala qeybsamay sanadkaan, taasoo ka dhigan in horyaalka Premier League kooxahiisa uu u furan yahay, sidoo kalana kooxaha kale uu u furmi doono kadib koobka Aduunka.

Waxaan idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda – adigoo ogsoon in kooxaha Premier League ay dukaameysi sameyn karaan, halka kuwa kalana ay heshiisyo gali karaan balse aysan dhameystiri karin.

Haddaba wararka hoos ku qoran shabakadda LaacibNet xaqiiqdooda iyo jiritaankooda masuul kama ahan maadaama ay u xaglineyso xuquuqda shabakadahii qoray.


Tottenham ayaa diyaar u ah iney 15 Malyan oo Pound ku dalbato Jack Grealish oo ka tirsan Aston Villa balse Chelsea, Fulham iyo Leicester ayaa sidoo kale xiiseynaya 22-jirkaan. (Sky Sports)

Marco Verratti ayaa dalbaday in laga iibiyo Manchester United kadib markii uu wadahadal la galay tababaraha cusub ee kooxdiisa PSG Thomas Tunchel. (Metro)

Napoli ayaa dooneysa iney hoos u dhigto qiimaha lagu jabin karo heshiiska Maurizio Sarri kana dhigto 4.5 Malyan si ay ugu dhiirigaliso Blues iney ka dhigato macalinkeeda xiga. (Mirror)

Arsenal ayaa wadahadalo hormarsan kula jirta kooda Bayer Leverkusen iyadoo ka dooneysa 26-jirka goolka u qabta ee Bernd Leno. (Sky Sports)

Gunners ayaa damacsan iney 50 Malyan oo Pound ku hesho daafaca Borrusia Dortmund Sokratis, da’yarka Sampdoria Lucas Torreira iyo goolhaye Leno. (Evening Standard)

Wakiilka xiddiga Spurs Mousa Dembele ayaa u duulay talyaaniga, 30-jirkaan waxaa aad u xiiseynaya kooxaha Juventus, Napoli iyo Inter Milan. (Talksport)

Daafaca xulka Jarmalka Jerome Boateng kaas oo 29-jir ah isla markaana ay dooneso Man United ayaa loo ogolaaday inuu ka bixi karo Bayern Munich. (MEN)

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay Anfield xilli ay soo baxeen warar la xiriirinaya Real Madrid. (Evening Standard)