Marco Verratti Oo Fariin U Diray Paris Saint Germain Uguna Hanjabay Inuusan Kusoo Laaban Doonin Paris Ilaa Laga Iibiyo Barcelona.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Kubad sameeyaha qaranka talyaaniga Marco Verratti ayaa kooxdiisa Paris Saint Germain u sheegay iney u ogolaadaan bixitaan isagoo ugu hanjabay inuusan dib ugu soo laaban doonin magaalada Paris – sida lagu qoray Marca oo xiganeysa jariiradda talyaaniga kasoo baxda ee La Gazzetta dello Sport.

Paris Saint Germain horay ayey u diiday iney xidigeeda ka iibiyo Barcelona iyadoo ka biyo diiday codsiga xidigaan, balse markaan La Gazzetta dello Sport waxey kashiftay fariintii uu u diray isagoo ka dalbaday in laga iibiyo Barcelona.

“Ii ogolaada inaan ku biiro Barcelona – kuma soo laaban doono Paris” fariin u qorneed ayuu Marco Verratti u diray Paris Saint Germain.

Sida warbixinta lagu qoray – hadii Paris Saint Germain ay wiilkeeda ku qancin weyso inuu joogo xagaagan, Barcelona waxey ku qasban tahay iney bixiso aduun dhan 100 Malyan oo Euro tiiyoo ay jirto in kooxda ka dhisan Paris ay geed walba u fuuli doonto iney ku qanciso joogitaanka Parc des Princess.