Marco Tronchetti Provera: Riyada Inter Waa Mid Waana Inaan Lasoo Wareegno Lionel Messi

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Nov 30, 2016

Madaxa shirkadaha maalgelinta ee Kooxda Inter ayaa qaba in kooxdiisa at leedahay kaliya hal riyo taasoo uu ku sheegay iney tahay “Keenista Lionel Messi ee Kooxda Inter” isagoo qaba iney wax waliba oo at ku qaadata ay kala xaajoon doonaan Kooxda Barcelona arinta xidigaan.

Heshiiska uu xidigaan ree Argentina ku joogo Camp Nou ayaa markale noqday arin suuqa taala iyadoo ay jiraan warar sheegaya in agaasimaha Kooxda Paris Saint-Germain ee Patrick Kluivert uu si toos ah ula hadlay aabaha dhalay Messi si uu uGu qanciyo inuu xidigaan u soo wareego Kooxda heysata horyaalka Ligue 1 laakin ciyaariyahanka ayaa marwaliba ku adkeysta inuu ku laaban doono Newell’s Old Boys oo ka dhisan Argentina marka uu dhameysto waayihiisa ciyaareed ee Barca.

Si kastaba, Gudoomiyaha shirkada maalgelisa Inter ee Pirelli, Marco Tronchetti Provera, ayaa markale ku celiyay riyadisa wuxuuna yiri ”  Waxaa jirta kaliya hal riyo, waa mid aanan marna isbadalin, waana Messi, waligeyn Ayaan ku riyoon jirnay” ayuu u sheegay Corriere dello Sport.

lionel-messi

“Waxaan ahay qof samaha aamina, waxaan ogahay in riyooyinka ay rumoobaan mararka qaar, waan aamisanahay iney dhici karto”.

Provera ayaa uGu danbeyn ka hadlay hamiga xili ciyaareedkaan ee kooxdiisa wuxuuna yiri “Waxaan u maleynayaan in kooxdeena awoodeeda la wada og yahay, waxaan heysanaa ciyaartooy tayo leh, kaliya iney hurdada ka kacaan ayaa loo baahan yahay, waxay u baahan yihiin iney ciyaaraan dhamaan 90 ka daqiiqo ma ahan kaliya 45 daqiiqo sidii ay sameeyeen isniintii”.

Like it? Share it!

Leave A Response