Marcelo: “Taageerayaasha Kaliya Ma Xasuusan Doonaan Cristiano Ronaldo, Raul Iyo Zidane Kama Marna”

Daafaca reer Brazil Marcelo ayaa si dadban uga hadlay dooda ku saabsan in jamaahiirta kooxda ay xasuusanayaan xiddigii dhawaan isaga tagay ee Cristiano Ronaldo kadib markii ay barbarbo la dhaafi waayeen xalay kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxeyna aheyd waqti ay macquul aheyd iney qof walba xasuusato xiddiga reer Portugal.

Real Madrid markii ugu horreysay ayey hakatay kulamada La Liga tan iyo markii uu ka tagay Ronaldo, sidoo kalana kulankoodii ugu horreeyay ee ay ciyaaraan taranka rasmiga ah waxey guuldaro aan laga soo waaqsan kala kulmeen kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Atletico Madrid kulankii final-ka tartanka UEFA Super Cup.

Marcelo wuxuu damiyay suuragalnimada lagu dhaho waxaad tabteen Ronaldo markii ay barbaraha la galeen Bilbao, inkastoo kooxda boqortooyada ay dadaal badan ku bixiyeen kulankii San Mames ka dhacay.

“Waa inaan ilownaa kulankaan isla markaana ka fakarnaa kulanka xiga” ayuu yiri Marcelo.

“Guul aan gaarno waxey ahaan laheyd natiijo cadaalad ah. Waxaan helnay fursado iyaga ka badan, balse goolka ma dhalan”

“Taageerayaasha waxey sidoo kale xasuusan doonaan Zinedine Zidane iyo Raul Gonzales, kaliya ma xasuusan doonaan Cristiano Ronaldo”

Sida muuqata Marcelo wuxuu meesha ka saaray xusuusta jamaahiirta kooxda ee Ronaldo maadaama ay guul gaari waayeen kulankii xalay, isagoo soo hal qabsaday laba ka mid ah halyeeyada kooxda waqti qurux badan la qaatay.