Marcelo Oo Farriin Qalbi Ruxle Ku Macsalaameeyey Cristiano Ronaldo

Maalmo kaddib markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay Real Madrid, Marcelo ayaa macsalaameeyey saaxiibkiis oo haray koox wadaagga u ahaayeen.

Dadabka biddix ee Brazil waxa uu farriin ku muujiyey xiriirkii saaxiibtinimo ee ka dhexeeyey.

“Yaa dhahi karay, Cris! Waa waqtigii aad tagi lahayd mar dhaw….

“Waxaan ku dharanayaa ma sawiran in maalintaas imaan doonto! Laakiin dunidan wax waligeed ah ma jirto, waxaan rejeynayaa in aad aad ugu faraxsan tahay kooxdaada cusub.

“Ku dhawaad 10 sano ayaan dhinacaaga joogay, 10 sano oo farxad badan, kubadd qurux badan, guulo, guuldarroyin iyo waqtiyo qurux badnaa! Wax badan ayaan kaa bartay, ka go’naashahaagii waa wixii iigu yaabka badnaa ee aan ku arko ciyaaryahan.

“Wax walba waa waajib in ay kuu wacan yihiin adiga iyo qoyskaaga!

“Waxaan u xiisi doonaa hadalkeenii kulanka kahor, marka aad natiijooyinka saxdo iyo markii fiinaaleyaasha kahor aad nagu dhiirigalin jirtay khibradaaddii cajiibka ahayd iyo jaceylkii aad siin jirtay da’yarta!

Quem diria hein Cris!!! É mano chegou a hora de dizer até logo… Te juro q nao imaginava que esse dia chegaria! Mas nada nessa vida é pra sempre, espero q vc seja muito feliz na sua nova caminhada. Foram quase 10 anos do teu lado, 10 anos de alegria, bom futebol, vitorias, derrotas e momentos maravilhosos! Aprendi muito com vc, sua dedicação é a coisa mais bizarra q eu vi em um atleta. Tudo de bom pra vc e sua linda familia! Vou sentir saudades das nossas resenhas antes dos jogos quando vc acertava o resultados e antes das finais nos tranquilizava com tua experiência e o carinho com os mais jovens! Tenho orgulho de ter jogado contigo nao por que VOCE SEJA O MAIOR JOGADOR DA P#RR% TODA e sim pela pessoa q você é!!! quando eu parar de jogar vou sentar no bar tomar uma cerveja e vou contar vaaarias historias e mostrar todas as nossas fotos 😂 Ja ja tamo junto de novo 😉❤ #M12 🙌🏾

A post shared by Marcelo Vieira Jr. (@marcelotwelve) on

“Waan ku faanaa in aan kula ciyaaray, ma aha in aad tahay kan dunida ugu fiican laakiin qofka aad tahay.

“Marka aan dhammeeyo dheesha,waxaan fariisan doonaa maqaayaddda oo koob khamri ah ayaa qabsan doonaa, si aan u wariyo xoogaa sheekooyinkeena ah aniga oo muujin doona sawiro.

“Waxaan ku leeyahay macsalaama,#M12.”