Marcelo: “Kaliya Kama Hadleyno Wax Ku Saabsan Neymar ama Sadex Ciyaartoy, Balse Waxaan Ka Hadleynaa Paris Saint Germain”

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Daafaca Real Madrid Marcelo ayaa shaaca ka qaaday iney tahay arin qalad ah kaliya iney hadal hayaan Neymar, marka ay labada kooxood ee Paris Saint Germain & Real Madrid ku kulmayaan garoonka Santiago Bernabeu.

Waa kulan ugu yaraan Neymar uu ku muujin karo inuu ka baxay hooska Lionel Messi, sidoo kalana uu aduunyada u muujiyo inuu wax weyn qaban karo isagoo hogaamiye ah.

Paris Saint Germain waxey dooneysaa iney xilli ciyaareedka Real Madrid soo afjarto xilli hore waxeyna noqoneysaa in kooxda boqortooyada ay kaliya sugto rajada soo laabata ee La Liga hadii laga tuuro Champions League.

“Ma dhihin Neymar Jr wuu u ciyari doonaa Real Madrid, balse waxaan sheegay inuu maalin u ciyaari karo” ayuu yiri Marcelo oo wax laga weydiiyay suuragalnimada uu xidiga reer Brazil ugu soo biiri karo Real Madrid.

“Waan la hadlay, balse kalama hadlin wax ku saabsan kubadda cagta, kaliya maahan Neymar, waxey noqoneysaa qalad hadii aan kaliya isaga ka fakarno iyadoo ay kooxda ka muhiimsan tahay. Waan ognahay wixii aan sameyn laheyn, kaliyana kama fakareyno Neymar”

“Waxaan heysanaa waqti aan kulanka isugu diyaarino, waa kulan adag lugta hore, kaliya kama fakareyno Neymar, sadex ciyaartoy balse kooxda oo dhan”

9 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Abdirahman 14-02-2018 at 5:07 pm -

    Si kasta oo ay noqoto
    Real madrid hadaanu nahay wanu
    Gulaysanaynaa
    Hadii alle yidhaahdo

  2. miiskiinka 14-02-2018 at 5:03 pm -

    neymar oyaya marka ay ka hadhan wareega 16 ayaa imaneysa ee akhiyaarta sidaa u ogaada koox ahaan wey fican yihin lkn nagama ficna madrid ligafranch waaa ciyaal xaafad vilen danke

  3. naadigagyga real waa Naadi wayn lkn psg wn arkynaa waxay Real Kala hortimaado

  4. Zaki 14-02-2018 at 2:43 pm -

    Hhhhhh layskuma hayo inuu neymar xirfad skilla leyahay balse fardo laysugu joogo maxa laysaga faani 16ka hadii laso gaadhona championka wxa lagu ciyara khibarda iyo waayo aragnimo dherada boqortoyada realmadred 21 sano ayay ku dhexjirtey khibrad fiicana way u leadabay chambionka sida loo difacdona way taqaan lkn anigu kama hordhacayo ciyarta
    Hana ilawina in qadar mesha ku jiro iminkana kii soo bixilaha ilahay waa ogyahay balse ficilka hala yimadan

  5. Adrién Rabiot 14-02-2018 at 12:59 pm -

    “Hadi an kayara hadlo kulanka caawa…. Neymar ma ahaan doono xidiga wacdaraha dhigi doona .., waxaana caawa indhaha caalamka xadi doona wiilka reer france ee K.mbappe halka A.rabiot uu gabi ahaanba khadka dhexe lawareegi doono”
    ~Yonkavič

  6. CazanYo NeYMAR 14-02-2018 at 12:36 pm -

    NeYmar Wa xiddiGa zaddexda e aduunka wxan hupa inuu real xazuuq u gaysan jiro sababto ah Neymar And Alves wa labada nin ee real ka baqato markay jogeen barcelona Marcelo in badan wu ku daba dalay xidiga reer brazil NeYmar Jr mana gadhi karo wa xiddiGa badiLi dona Leo mesi cawa iyo bernabou NeYmar ba izka leH

  7. Abdihakiin 14-02-2018 at 12:16 pm -

    Waa sax captan ku xigeenka real madrid marcelo waa inayna isku weynayn neymar waayo shaxdiisaba wey hayaan real madridna ilama aha in naymar kaliya ka fikiri doonan

  8. khaliif 13-02-2018 at 9:24 pm -

    Neymar waa xidig fantastic ah kubadiisuna sareyso ilama ahan inuu sameyndoono wax dhibaya nafsadiisa oo ah inuu sameeyo celberation ama shey kaloo dhaafsiisan kubadiisa marka uu dhaliyo kubada ama uu ugooyo si cajiib sida attletico madrid uu kusameyn jirey waa guu joogey barcelona tani waa mid kaduwan tii hore ee laliga lkn neymaar cajaa ib ayuu wataa si uu usameeyo ballon do’r
    Xaqiiqdii waxaan larabaa inuu soo dhaafo champions league

  9. Eid xasan 13-02-2018 at 6:41 pm -

    maya waxa fican in any rer Riale m anay iska sasbin naaymar