Marca: Mesut Ozil Iyo Angel Di Maria Oo Qorsheynaya Iney Dib Ugu Soo Laabtaan Real Madrid

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Nov 30, 2016

Labo kamid ah xidigihii ugu muhiimsanaa ee Kooxda Real Madrid sanadihii dhawaa ayaa ka shaleynaya iney ka tageen Estadio Santiago Bernabeu waxayna Angel di Maria iyo Mesut Ozil naftooda isu soo bandhigeen maamulka Kooxda Los Blancos si ay uGu soo laabtaan Madrid, sidaasi waxaa qoray jariirada kazoo baxda magaaladaasi ee Marca.

Labada ciyaariyahan ayaa qarsan waayay xiisaha ay u hayaan Kooxda Los Blancos oo ay ku soo qaateen waqtiyo wanaag u badnaa wuxuuna Ozil ilaa haatan ka meermeerayaa inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Arsenal isagoo ka fakaraya inuu ku laabto caasimada Spain, dhanka Di Maria, Kuma faraxsanaha Kooxda PSG wuxuuna la qabsan la’yahay kooxihii uu tagay isagoona ku fashilmay inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii waalida ahaa ee kooxdii Carlo Ancelotti ee ku guuleysatay La Decima.

ozil-and-di-maria

Garabka Argentine ayaana wali fahmin qaabka ay u ciyaarto PSG wuxuuna si xun uga careysan yahay inuusan kubada uGu raaxeysan sidii waayihiisii Madrid, sida ay qabto Marca.

Florentino Perez iyo maamulka kooxdooda ayaa ka warqaba in xidigahaan ay doonayaan iney soo laabtaan waxayna sidoo kale maanka ku hayaan hal abuurka xidigahaan iyagoo aaminsan iney boos ka heli karaan koox waliba oo dunida ah.

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Sulley 01-12-2016 at 7:14 pm - Reply

    Di Maria iyo Ozil waa laba xiddig oo Zidane shaxdiisa boos ka heli kara .
    Hala Madrid y nada mas .

  2. Sulley 01-12-2016 at 7:14 pm - Reply

    Di Maria iyo Ozil waa laba xiddig oo Zidane shaxdiisa boos ka heli kara .
    Hala Madrid y nada mas , and

Leave A Response