MAQAAL: In Old Trafford Uu Noqday Garoon Dhibcihiisa Lagu Xisaabtamo, Saxiixyada Dhibtoonaya, Fikradii Ciyaareed Ee Louis Van Gaal Iyo Qaabka Mourinho Oo Is Khilaafay Iyo Waxyaabo Man United Dhibaatada Ugu Wacan

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Dhibaatada Manchester United ee Premier Leaque-ga ayaa sii socota tan iyo markii Sir Alex Ferguson uu ka baxay Old Traffrod sanadkii 2013 kii waxaana muddada kooxda Red Devils iskaga danbeeyay saddex tababare oo uu midkastaaba waayihiisa soo qaatay. Laakiin wali Manchester United ayaa ka fog mustawihii ama meeqaamkii ay Premier Leaque-ga k ulahayd.

man-united

Manchester United ayaa 2 kulan oo kaliya ka soo guulaystay 10 kii kulan ee ugu danbeeyay Premier Leaque-ga waana arin si cad kuu tusaysa qaabka kooxda Jose Mourinho ay ugu dhibtoonayso horyaalka ay koobabka ugu badan ka haysato ee premier Leaque-ga. Red Devils ayaa 11 dhibcood ka danbaysa kooxda horyaalka PL haysa ee Chelsea. Haddaba maxaa ka qaldamay kooxda Mourinho ee Man United?. man-united

Shabakada ciyaaraha gool24.net oo markasta diyaar u ah in ay akhristayaasheeda u soo gudbiso xaqooqoyinka kubbada cagta ayaa halkan idiinku soo koobtay dhibaatooyinka ugu waa wayn ee Manchester United haysata iyo haddiiba ay fursad u haysan karto in ay koobka Premier leaque-ga wali ku guulaysan karto ee kharisasho fiican.

CABSIDII KOOXAHA PREMIER LEAQUE-GA EE OLD TRAFFROD OO MEESHA KA BAXDAY:

Old Traffrod ayaa ka mid ahaa garoomada ugu dhibaatada badan garoomada Yurub wuxuuna ahaa mid Manchester United ay natiijadiisa koobab badan ugu soo guulaystay. Laakiin hadda waxaa meesha ka baxday cabsidii kooxaha ku hayn jirtay Old Traffrod wuxuuna noqday goob ay kooxuhu ku xisaabtami karaan in ay dhibaco ka soo helaan.toosh

Manchester United ayaa gurigeeda barbaro ku soo gaashay afartii kulan ee ugu danbeeyay Premier Leaque-ga, haddii aan dhibco ahaan u eegno waxay afartii kulan ee ugu danbeeyay ay ku lumiyeen 8 dhibcood, haddii ay afartan kulan guulaysan lahaayeen waxay heli kareen 12 dhibcood halka ka soo heleen 4 dhibcood oo kaliya, waxaanad dareemi kartaa hoos udhaca natiijooyinkii Man United waxa wayn u tari jiray ee Old Traffrod.

Manchester United ayaa saddex kooxood oo heerka dhexa ama hoose lagu tiro barbaro Old Traffrod kula gashay oo kala ah Stoke City, Burnley, West ham United halka Arsenal ay ahayd kooxda kaliya ee Manchester United loogu garaabi karay in ay dhibco ku lumiso garoonkeeda.

FIKRADIHII KUBBADA CAGTA EE LOUIS VAN GAAL OO MEESHA LAGA SAARAY IYO FIKRADAHA MOURINHO OO AAN WALI LALA QABSAN:

van-gaal1

Louis Van Gaal ayaa Manchester United ku soo qaatay laba sanadood wuxuuna gabi ahaana badalay hanaankii ciyaareed ee Manchester United. Wuxuu Van Gaal samaystay hanaan ciyaareed oo isaga u gaar ah laakiin markii uu Mourinho yimid Old Traffrod isna waxa uu bilaabay in uu badalo hanaankii Van Gaal wuxuuna dusha ku watay hanaankiisa uu guulaha badan ku soo gaadhay.

mourinho-vs-van-gaal

Laakiin markasta oo isbadal la sameeyo waxa uu leeyahay faa’iidadiisa iyo khasaarihiisa, sidaa daraadeed fikradihii Van Gaal in meesha laga saaro oo ciyaartoyda lagu tababaro hanaanka cusub isla markaana kulamada lagu hawl galo ayaa ah wax dhibaato ku noqotay Man United.pogba1

Tusaale ahaan Van Gaal ayaa ciyaartoyda difaacyada midig iyo bidix ka dalban jiray in marka ay weerarka galayaan ay kubadaha u bixiyaan hareerarha halka fikrada Mourinho ay taas lid ku tahay.

WEERAR HEER CAALAMI AH OO AAN SAFKA MAN UNITED KU JIRIN:

Inkasta oo uu Zlatan Ibrahimovic yahay gool dhaliye heer caalami ah, haddana waxa uu soo qaatay waqtigiisii ugu fiicnaa, waxayna hadda da’diisu tahay 35 sano jir waxayna Man United tabaysaa gool dhaliye heer caalami ah oo leh tayada Ibrahimovic balse ay da’diisu tahay waqtiga ugu fiican.

ibra

Wayne Rooney oo ahaa mishiinka gool dhalinta Red Devils ayaa hadda dhibtoonaya waxaana la arkayaa isaga oo dhaxantu ku dishay kaydka Man United. Inkasta oo uu Ibrahimovic goolal fiican dhaliyay isla markaana uu Man United guuldaro ka badbaadiyay kulankii West Ham, haddana da’diisa waynaatay waxaa laga dareemi karaa fursadihii cadaanka ahaa ee uu lumiyay.

Marcus Rashford waa gool dhalye fiican oo awood badan leh laakiin wali waxaa ka maqan kalsooni buuxda iyo khibradii uu ku noqon lahaa gool dhaliye heer caalami ah oo hogaamiya koox u wayn sida Man United laakiin waxaa si cad u muuqata in Man United ay u baahan tahay gool dhaliye heer caalami ah oo leh astamihii Ruud van Nistelrooy ama gool dhalyaashii kale ee Red Devils soo maray.

ISBADALKA LAGU SAMEEYAY AFARTA DIFAACA AH:

bailly

Tababare Mourinho ayay dhibaato wayni ka haysataa in uu dejiyo afarta difaaca ah ee kooxdiisa, waxaana dhibaato ku noqday dhaawicii soo gaadhay Eric Bailly halka uu xaalada uga sii daray dhaawacii soo gaadhay Chris Smalling.Isabdalka difaaca Man United ayaa qayb wayn ka ah dhibaatada kooxda Mourinho.

epa05285810 Leicester City's Shinji Okazaki (L) in action against Mancester United's Chris Smalling (R) during the English Premier League soccer match between Manchester United and Leicester City at Old Trafford in Manchester, Britain, 01 May 2016.  EPA/NIGEL RODDIS EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications.

Antonio Valencia ayaa ah mid ka mid ah difaacyada xili ciyaareedkan Man United ugu fiican halka Phil Jones uu mid fiican u muuqday kulamadii ugu danbeeyay laakiin Marcos Rojo iyo Daley Blind ayaan kulan wada ciyaari karin waxayna muujiyeen ceeb wayn oo difaac.

SAXIIXYADA CUSUB EE DHIBTOONAYA IYO SAAMAYNTOODII OO MAQAN:

MANCHESTER, ENGLAND - NOVEMBER 24:  (L-R) Paul Pogba, Zlatan Ibrahimovic and Henrikh Mkhitaryan of Manchester United look on prior to the UEFA Europa League match between Manchester United FC and Feyenoord at Old Trafford on November 24, 2016 in Manchester, England.  (Photo by James Baylis - AMA/Getty Images)

Ka hor maalintii aan la bilaabin horyaalka Ingiriiska waxaa loo arkayay in Mourinho uu sameeyay saxiixyadii xagaaga ugu fiicnaa, waxaana loo saadaalinayay in Premier Leaque-ga ay ku guulaysan doonaan, wuxuuna Mourinho kooxdiisa ku soo xoojiyay Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan iyo Paul Pogba.

pogba

Henrikh Mkhitaryan ayaan wali jamaahiirta Man United si dhab ah u tusin xidigii uu xili ciyaareedkii h--e ku ahaa Borussia Dortmund,  Paul Pogba ayaan wali helin qaab ciyaareedkii uu Juventus koobabka badan kaga soo caawiyay, waxaana culays wayn ku ah lacagta rekoodhka aduun ee uu Old Trafford ugu soo biiray. Eric Bailly ayaa noqol wanaagsan ugu bilawday Man United laakiin dhaawaca soo gaadhay ayaa dhibaato ku noqday.bailly

Ibrahimovic ayaa ilaa haddda ah saxiixa ugu fiican ee Man United wax qabadka ugu badan ka sameeyay laakiin guud ahaan saxiixyadii uu Mourinho xagaagii sameeyay ee uu doonayay in uu ku hawl galo ayaan ushaqayn sidii uu ka doonayay waxayna qayb ka tahay dhibta Old Trafford ku haysata.

ISTANBUL, TURKEY - NOVEMBER 03:  Henrikh Mkhitaryan of Manchester United appeals for a decision during the UEFA Europa League match between Manchester United and Fenerbahce at sukru Saracoglu Stadium on November 3, 2016 in Istanbul, Turkey.  (Photo by Matthew Peters/Man Utd via Getty Images)

MIYAY MAN UNITED WALI KU GUULAYSA NKARTAA PREMIER LEAQUE-GA?.

Haddii lagu go’aan qaato natiijada 13 kii kulan ee ugu danbeeyay isla markaana xisaabta lagu daro dhibaatada Man United ee Old Traffrod, wuxuu xukunku noqon karaa in fursada Man United ee ku guulaysiga koobka horyaalka ee xili ciyaareedkani ayna ahayn mid fiican. Sababtoo ah kooxaha Chelsea, Manchester City iyo Liverpool ayaa ilaa hadda muujiyay in ay awood u leeyihiin hanashada koobka Premier Leaque-ga.

epa05566687 Manchester United's Wayne Rooney (L) and manager Jose Mourinho (R) react during the English Premier League soccer match between Manchester United and Stoke City at the Old Trafford, Manchester, Britain, 02 October 2016.  EPA/PETER POWELL EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications.

Laakiin waxaa jirta fursad ay Manchester United ku badali karto aragtada hadda jirta, maadaama oo aan xili ciyaareedka kala badhkiisii la gaadhin, wuxuuna Mourinho u baahan yahay in uu isbadal dhab ah sameeyo haddii uu Man United fursad u siin karo koobka PL.

MIYAY MAN UNITED HESHAY TABABARIHII KU HABOONAA?

Inkasta oo lagu kala duwan yahay aragtida in Mourinho uu yahay tababarihii ugu haboonaa ee Man United xaaladan ka saari lahaa, haddana waxaa hubaal ah in tayadiisa tababaranimo ee la soo tijaabiyay ay ka dhigtay mid aawood u leh in uu maamulo kooxda Premier Leaque-ga ugu guulaha badan.mosag

Jamaahiirta Man United ayaa garoonka ka baxa marka ay Man United babraro gaasho iyaga oo ka farxad badan markii Louis Van Gaal iyo kooxdiisii ay guulaystaan, waana mid dhiiro galin u ah Mourinho iyo kooxdiisa dhibtoonaysa. Maalinta ay jamaahiirta Man United ka soo horjeedsadaan Mourinho waxay noqon doontaa culays kale oo soo baxa.

mourinho

Laakiin maamulka sare ee Man United ayaa ka walwalsan dhaqanka xun ee Mourinho uu dacwadaha isdaba jooga ah kagala kulmayo FA-ga iyada oo muddo bil ah laba casaan la siiyay isla markaana saddex dacwadood lagu soo oogay.

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Hure 29-11-2016 at 6:43 pm - Reply

    Waxad rabatan miya no shegaysan arsenal kuma jirto Hana shada hor yaalka taasi waa tina malaha anagu madawano cayaraha idinkan idin waraysan teeda kale man u xata 7 maso gali karto wayo wa si ad labada horyaalku wa siiro

  2. Maxamed deeq 29-11-2016 at 6:06 pm - Reply

    Moriiniyo waad fiicantahy waad ficntahay ayaa laga badiyey lkn waa in ulees lasara hadikale mar walbaba dhiiqadan ayuu dhax fadhinaya

Leave A Response