MAQAAL: Eden Hazard Waa Inuu Noqdo Kaligiis Ciyaar Si Uu Masraxyada Kubadda Cagta Uga Soo Muuqdo.

Kaligeed ciyaarnimada waa wax aysan jecleyn taageerayaasha kubadda cagta, balse mararka qaar u fiican shaqsiga sidaas sameeya hadii uu helo taageero saaxiibadiisa kooxda ah iyo mudnaanta ugu sarreysa ee uu helo xiddig ka tirsan kooxdiisa. Waa inuu Eden Hazard tallaabadaas qaadaa si uu kaga soo muuqdo masraxyada caalamka ee lagu bixiyo abaalmarinada shaqsiga ah.

Muddo lix sano ah ayuu ku sugan yahay garoonka Stamford Bridge, ugu yaraan sadexdii iyo afartii sano ee ugu dambeysay wuxuu muujinayay inuu yahay kan ugu boqorsan Chelsea iyo horyaalka Premier League, balse mudnaantaas ay dad badan ugu qireen sida uu tayo ahaan yahay uma sahlin inuu asaagiisa kula tartamo masraxyada ka baxsan England, taasna waxey keentay in maqaamkiisa hoos loo dhigo iyadoo habka xisaabeed ee tayadiisa loogu goglayo gooldhalintiisa oo liidata.

Marka laga hadlo abaalmarin shaqsiyadeedka ay bixiyaan hay’adaha ugu sarreeya ee la aqoonsan yahay waxey sanadahii ugu dambeeyay noqotay mid u dhaxeysay kaliya 2-da xiddig ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo daraasiin goolal ah, awood kooxeed iyo maqaamkooda oo hilaacay ku garaacayay qof walba oo kasoo dhinac dhawaada, waxaana ugu yaraan la heli waayay qof dhankaas uga dhawaada.

Greg Lea oo ka tirsan shabakadda FourFourTwo ayaa sanadkii 2015 mar bulshada kubadda cagta la wadaagay sababta uusan Eden Hazard ula tartamin asaagiisa, waxey aheyd xilli uu ku jiray hawlgalkii ka dhanka ahaa Jose Mourinho si kooxda looga ceyriyo, wajigii hore ee horyaalka oo dhamaad ah ayuusan wax gool ah dhalin xiddigaan halka xiddigaha uu la dhianc dhigay sida Neymar, Muller, Sanchez, De Bruyne, Di Maria iyo Marco Reus uu midka ugu yar shabaqa soo taabtay 11-jeer, sidaas darteed dadka laga soo dhex-saari waayay waxey ahaayeen kuwa dooqa labaad ee abaalmarinta.

Sida markaas uu wax u falanqeeyay Greg Lea – Gooldhalin la’aan, kalsoonidiisa oo luntay, inuusan ciyaareynin lambarka 10-aad, inuu mar walba yahay kan ugu badan ee kooxdiisa kubadda gudbiya ayaa saldhig looga dhigay dhibtiisa.

Marka aan kasoo gudubno habka falanqeynta Greg Lea oo kusoo aaday xilli uu xiddiga dagaal doqomeed ku jiray ka dhan ah macalinkiisa, hadana xiddigaan wuxuu ku dhiban yahay inuu goolal dhaliyo.

Haddaba aan si guud u falanqeeyo, Eden Hazard waa kan ugu wanaagsan horyaalka Premier League sanado, wuxuu soo bandhigay sida ay u adag tahay in loo joojiyo, wuxuu soo bandhigay sida uu u yahay farqiga u dhaxeeya Chelsea iyo kooxaha kale, balse ma ahan mid kaligiis ciyaar ah.

Waa Inuu Noqdo Kaligiis Ciyaar!

Kaligiis ciyaarku maahan inuu 11-ka xiddig ee kasoo horjeeda kaligiis la ciyaaro, balse waa inuu muujiyaa rabitaan saa’id ah oo dhanka goolasha ah, sidoo kalana uu dhaliska jaceylkiisa ka hormariyo inuu kubadda dhiibo si uu maqaamkiisa u helo.

Wey adag tahay? Haa wey adag tahay in horyaalka Premier League laga dhaliyo goolal sida daadka oo kala ah, balse hubantidu waxey tahay talaabada uu u qaado dhanka goolasha waxey ka dhigan tahay inuu talaabo tolmoon u qaaday dhanka masraxyada waaweyn.

Maadaama! Hay’adaha bixiya abaalmarinada shaqsiga ah ay mar walba diiradda saaraan inta lasoo taabtay (Goolal) iyo inta kor loo qaaday (Koobab).

Waa Inuu Helo Mudnaan Sharafeed:

Hadda kama duwana ciyaartoyda kale, kama duwana mid walba, balse waa in ciyaartoyda Chelsea ay raacaan dariiqa ay ciyaartoyda Barcelona & kuwa Real Madrid ku horamriyeen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Waa inuu noqdo astaanta kaliya ee ku qasban iney kooxda guul gaarsiiso, sidaas darteed kama maarmi karo mar walba in loo aqoonsado furaha kooxaha, mar walbana garab lagu siiyo inuu asaagiisa la tartamo.

Guusha Uma Dheere!

Guusha uma dheera mar haduu ka hoos ciyaarayo Maurizio Sarri, waa falsafad uu ku soo bixin karo tayadiisa gooldhalineed, maadaama mar walba ay tahay mid uu kubadda ku helayo meel walba.

Waa inuu ka faa’ideysto macalinkiisa cusub, waa inuu raco tilmaamaha macalinkiisa, si uu ugu yaraan u noqdo (Far muuqata) oo dadka gool la’aantiisa la jeestay ay lasoo jeestaan.

Fasalkaan wuxuu dhaliyay 5-gool isagoo saftay 5-gool kulamada horyaalka, waana bilowgiisii ugu quruxda badnaa waayahiisa, sidaas darteed Guusha uma dheera! Hadeysan hordhacaan noqon mid mar soo bax ah!

Jose Mourinho Iyo Antonio Conte!

Uma aheyn wax fiican inuu ka hoos ciyaaro isagoo aan gaarin heer qaan-gaarnimo saa’id ah ama uu talaabo horay ugu qaaday doorka uu hadda rabo inuu qabto, taas waxey la macno tahay Eden Hazard isagoon isku arkeynin inuu hogaamiyaha kooxda yahay ayuu ka hoos ciyaaray Mourinho kaas oo leh falsafad aan fur-furneen, mar kale ayuuse ka hoos ciyaaray falsafad kale oo xir-xiran oo aan door wacan siineynin.

Eden Hazard wuxuu dhawaan wareysi uu siiyay BBC Sport ku sheegay inuusan noqon kari kaligiis ciyaar, isla markaana uu mar walba yahay sida uu isaga yahay, taasoo ka hor istaagi karta inuu soo fuulo masraxyada marka lagu jaangooyo waqtiga hadda lagu jiro.

Kaligiis Ciyaar Loo Camiro Ayaa Masraxa Fuula.!!