Manchester United Oo Markale Dalabkii Ugu Dambeeyay Miiska U Saartay Dhigeeda Tottenham Hotspur Si Ay Kaga Hesho Saxiixa Eric Dier.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jul 17, 2017

Manchester United ayaa la sheegayaa inay ka gudbisay dalabkeeda ugu dambeeyay 00 gaarsiisan 60 million pounds laacibka qadka dhexe reer England iyo kooxda Tottenham Hotspur Eric Dier si kaliya ay u hesho saxiixiisa isla markaana ay ugu buuxisato khadkeeda dhexe inta lagu gudi jiro suuqa xagaagan.

Wargeyska Mirror ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Manchester United ay wali rajo wanaagsan ka qabto saxiixa Eric Dier, waxayna ka shaqeenayaan sida ay ku qancin lahaayeen madaxda sare ee Spurs-ka si ay kaga helaan adeega laacibka reer England isla markaana uu ugu noqdo madalka Michael Carrick.

Manchester United ayaa waxay ka gudbisay Eric Dier dalab horey ee gaarsiisnaa aduun dhan 45 million pounds, balse madaxweynaha  kooxda Tottenham Hotspur Daniel Levy ayaa si cad kaga soo hor jeestay qorshaha kooxda Red Devils.

Red Devils ayaa ilaa iyo haatan suuqan xagaaga ku bixisay 100 million pounds kaliya saxiixyada laba laacib oo ay dhameystirtay, kuwaasoo kala ah Romelu Lukaku oo ay kala soo saxiixatay Everton iyo Victor Lindelöf oo Benfica kaga soo biiray.

Si kastaba Tottenham Hotspur ayaa iska fasaxday daafaceeda garabka midig ee Kyle Walker, kadib markii uu kooxda Manchester City ugu dhaqaaqay aduun dhan 50 million pounds, taasoo ka dhigtay inuu noqdo daafaca ugu qaalisan aduunka.

Dhinaca kale Eric Dier ayaa wuxuu loolan adag kala dhaxeyn doonaa ka ciyaarista qeybta dhexe ee safka kooxda Tottenham laacibka reer Kenya Victor Wanyama, taasoo ka dhigeysa in laacibka reer England uu ku fikiro u dhaqaaqista garoonka Old Trafford,

Eric Dier ayaa sidoo kale wuxuu kalsooni balaadhan ka muujinayaa in mushaarkiisa haatan Todobaadlaha ah ee gaarsiisan aduun dhan 70 kun pounds uu laba laami doono marka uu ku biiro safka kooxda Manchester United.

 

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments