Manchester United Oo Lumisay Fursad Ay Kula Saxiixan Kartay Kylian Mbappe & Ryan Giggs Oo Kashifay Wax Walba Oo Ku Saabsan Arrintaan.

Weeraryahanka xulka France Kylian Mbappe ayaa la maleynayaa inuu ku guuleysn karo abaalmarinta xiddiga ugu fiican tartanka Koobka Adduunka ee ka socda Russia, kadib markii uu bandhig aan caadi aheyn sameeyay kulamadii uu qarankiisa kasoo muuqday isagoo u sahlay iney gaaraan Finalka tartanka.

Kylian Mbappe waa mid ka mid ah xidigaha ugu qaalisan kubadda cagta maadaama uu adduun dhan 166 Malyan oo Pound kula joogo Paris Saint Gemain, walow lacagta la bixin doono bishaan.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana lasoo helay sheekooyin cadeynaya in Red Devils ay mar fursad u heshay saxiixiisa balse ay iska diiday.

Halyeeygii hore kooxda Ryan Giggs ayaa si faah-faahsan uga hadlay wax walba, isahoo aan meesga ka saarin inuu ahaa shaqsigii arkay tayada xiddigaan isagoo aad u dhalinyar.

“Waxaan daawaday isagoo ciyaaraya sanadkii hore” ayuu yiri Ryan Giggs oo dhar bilood ka hor u warramayay The Times, walibaa madaxa wariyayaasha ciyaaraha Oliver Kay.

“Waxaan daawanay isaga iyo Gabriel Jesus anigoo la mataan ah madaxa indha-indheynta kooxda, waxey noo aheyd maskax la’aan, kaliya waxey aheyd inaan soo qaadano”

“Wuxuu ku qiimeysnaan lahaa 5 Malyan oo Pound, soo qaado kadibna amaah dib ugu celi ayaga, waxeyna aheyd habka ugu wacan ee lagu heli karo”