Manchester United Oo Ku Dhaw Iney Heshiis La Gaarto Xidiga Reer Chile Alexis Sanchez Xilli Citizens Ay Xiiseyneso – Sky Sport Italia.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhawdahay heshiis ay la gaarto xidiga reer Chile Alexis Sanchez inkastoo kooxda ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Citizens ay waqti dheer xiiso u qabtay.

Si kastaba Red Devils ayaa soo gashay loolanka xidigaan heerka caalami, iyadoo Citizens ay ka biyo diiday iney la kulanto lacagaha ay Arsenal xidigaan ku dooneyso ee gaaraya 35 Malyan oo Pound iyo sidoo kale rabitaanka xidiga oo ah mushaar qaali ah.

Alexis Sanchez wuxuu doonayaa inuu helo heshiis sadex iyo bar ah, mushaar dhan 400,000 kun oo Pound iyo sidoo kale aduun dhan 15 Malyan oo Pound oo jeebka loogu shubo.

Sida warbixinada ay sheegayaan Manchester City ayaa culeys weyn u aragtay heshiiska xidigaan oo qiimo ahaan ku fadhiyi doona 124 Malyan oo Pound, waana xidig 29-jir ah.

Sky Sports Italia ayaa sheegeysa in Red Devils ay hadda qarka u saaran tahay iney heshiis shaqsi ah la gaarto Alexis Sanchez madama ay diyaar ula tahay rabitaankiisa sidoo kalana ay bixin doonto qiimo walba oo lagu xiro heshiiskiisa.

Dhanka kale Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday ineysan fasixi doonin Sanchez ilaa ay badalkiisa ka helayaan, waxeyna ku raad joogaan Thomas Lemar iyo Malcom oo ka wada ciyaara horyaalka faransiiska, sidoo kalana Gunners waxey ka cabsi qabtaa in 6-bilood kadib uu si xor ah kaga baxo.

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. CAWALE LOVE MANCHESTER UNITED 14-01-2018 at 12:36 am -

    wel come Alexs sanges United wad uqaalantaa

  2. Xamse 12-01-2018 at 10:38 pm -

    Waan farax sanhay
    imanaayo Sanchez
    Mutd

  3. Maxamed deeq 12-01-2018 at 10:29 pm -

    Waa hadal lagu farxo weena u qalanta in man utd ay la wareegto xidigaan alaxis sanches waa xidig muhiim u noqon doono guul wcn man united.viva man utd

  4. Mohamed abdalla 12-01-2018 at 9:29 pm -

    Waa ku Farax Sanahy Ina laso Waregno alaxis sanchez man united waa koox Wen una qalanta inay laso waregto
    Guul Wacan.

  5. Mohamed abdalla 12-01-2018 at 9:28 pm -

    Waa ku Farax Sanahy Ina laso Waregno alaxis sanchez man united waa koox Wen una qalanta inay laso waregto