Manchester United Oo Iskaga Hadhaysa Xisihii Ay U Haysay Ee Eric Dier Si Ay Ugu Dhaqaaqdo Badalkiisa Soo Xero Xidiga Chelsea Ee Nemanja Matić

by Mohamoud Batalaale | Saturday, May 20, 2017

Maamulka kooxda Manchester United ayaa si weyn isugu diyaarinaya in dalab ay miiska u saaraan dhigooda Chelsea, kaasoo ay kaga doonayaan xidigooda khadka dhexe ee reer erbia Nemanja Matić. Si ay kaga soo qaatan suqaaqa xagaaga ee dhawaan furmi doona.

Manchester United ayeey wararku xaqiijinayaan inay qabto fikirka ku aadan in faraha ay ka qaado xiisaheeda ku aadanaa lasoo saxiixashada xidiga khadka dhexe kooxda Tottenham Hotspur ee Eric Dier, waxayna haatan go’aansadeen u dhaqaaqista saxiixa Nemanja Matić.

Eric Dier ayaa xiliyadii lasoo dhaafay ahaa dooqa koowaad ee tababare Jose Mourinho, taasoo ay in badan wargeysyada caalamku buun buuniyeen inuu si weyn u doonayo inuu ku buuxsado khadkiisa dhexe xili ciyaareedka soo aadan.

Laakiin Maamulka kooxda Manchester United ayaa u arka in Nemanja Matić uu ka mudan yahay Eric Dier ka qeyb noqoshada safka kooxda United-ka, maadaama ay adagtahay in Eric Dier uu si sahlan kaga soo bixi karo kooxda Tottenham Hotspur si uu ugu ciyaaro koox kale.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments